Hargeysa (RBC)- Alle ha naxariistee waxaa xalay xaafada Axmed Guray ee magaalada Hargeysda lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Naasir Cawil Axmed.
Sida ay sheegeen dad wakhtigaas u dhawaa goobta uu dilka ka dhacaya ayaa Raxanreeb u xaqiijiyey inay fuliyeen dilkaas laba askari oo ka tirsan ciidanka booliska ee Somaliland.
Dadka goob joogayaasha ah ayaa intaas ku daray inay is af dhaafeen askarta iyo marxuumka, kadibna laabta ay ka toogteen.
Meydka marxuumka ayaa wakhtigan ayaala cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.
Labada askari ee falkan gaystay ayaa la sheegay in markiiba la xidhay, hase ahaatee ilaa hada xukumada ayaan ka hadal sababta dhabta ah ee keentay dilkan. Alle ha naxariistee marxuumka ayaa ifka kaga tagay xaas iyo caruur
Falalka noocan oo kale ah ayaa in dhawad aan lagu arag magaalada, Hargeysa iyada oo dhawrkii sano ee u danbeeyey kor loo qaaday aqoonta iyo hanaanka askarinimo ee ciidanka booliska, kuwaas oo inta badan ku hawlan xalinta arrimaha bulshada.
Raxanreeb-Hargeysa