Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xildhibaan Daahir Jeesow: Waa Nasiib Darro In Cali Maxamed Geedi uu Sidii Qof Aan Xog Ogaal Ahayn u Hadlo

$
0
0

xildhibaan-daahir-amiin-jeesowMuqdisho (RBC) Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka federaalka ah ee dalka ayaa eedeeyay raysul wasaarihii ee dawladii ku-meelgaarka ahayd Cali Maxamed Geedi oo dhowaan weeraray dawlada federaalka ah.

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa sheegay inuu la yaabay hadalada uu Cali Maxamed Geedi ka jeediyey magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, isagoo raysul wasaare ka soo noqday dalka.

“Waxa uu ka hadlay iyo xaqiiqada aad ayey u kala duwan yihiin, waxaana fiican qofka siyaasiga ah inuu u hadlo si xog ogaalnimo ah.” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Cali Geedi xilligii uu ahaa raysul wasaaraha dawladii ku-meelgaarka ahayd uu ku guuldareystay inuu nabad iyo caddaalad keeno, uuna ku kacay musuqmaasuq sababay in isaga iyo madaxweynihii waqtigaasi Marxuum C/laahi Yuusuf ay ku kala tageen.

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa sidoo kale nasiib daro ku tilmaamay in raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo koox uu ku sheegay siyaasiyiin fashilmay ay garab siiyaan wadamo shisheeye oo ay ka mid tahay Kenya sida uu sheegay xildhibaanka, kuwaasoo aan u adeegeynin danaha dalka iyo dadka.

“Waxaa jiray rag sheegta magaca IGAD oo uu dhwr jeer Cali Geedi ka hortagay oouu u sheegay inay beenta dhaafaan, hadda waxa weeciyey ayaan la yaabanahay.” ayuu raaciyey xildhibaanka hadalkiisa.

Xildhibaanka oo ka hadlay arrimaha Jubbooyinka ayaa sheegay in gobollada Jubbooyinkja ay yihiin meel colaadeed oo ay isku hayaan dad Soomaaliyeed oo salka ku haya qabyaalad, taasina ay tahay waxa Soomaalida kala dilay, loona baahan yahay in la wada raadiyo xalla balse aysan habooneyn in shakhsi iyo qabiil gar loo taageero.

Hadalka  Cali Maxamed Geedi waxaa sidoo kale dhowaan ka hadashay dawlada federaalka oo ku tilmaantay Cali Geedi nin danahiisa gaarka ah u ordaya.

 

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles