Muqdisho (RBC) Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir mudo ka badan hal toddobaad u socday odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beelaha dega gobolka Shabeelaha Hoose oo dhowaan dagaal beeleed uu ka dhacay.
Shirkan oo ay qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha dawlada federaalka ayaa waxaa intii uu socday ka qeybgalay xildhibaano, saraakiil iyo masuuliyiin kale oo dusha kala socday shirkan oo dhowr jeer caqabado la kulmay.
Gabagabadii shirka ayaa maanta dhinacyadii ka qeybgalay shirkan dib u heshiisiinta waxay soo saareen illaa lix qodob oo ay ku heshiiyeen goobtana ay ku saxiixeen.
Qodobada lagu saxiixay heshiiska beelaha ayaa waxay kala yihiin;-
1) In wixii dhib ahaa ee dhexmaray labada beelood in si dhaqsi ah lagu xaliyo wada hadal dibna aan loogu noqon dagaal beelood markale.
2) In deegaanada dhibka ka dhacay in si deg deg ah looga qaado isbaarooyinka yaala dib danbe aan loo dhigin laguna gacansiiyo ciidamada dowladda inay ka howlgalaan deegaanadaasi si amaniga ay sugaan.
3) In maleeshiyaad beeleedka jooga deegaanada lagu diriray la qarameeyo.
4) In dowladda Federaalka ay u soo dhisto gobalka Shabeelaha Hoose maamul dowladeed waafaqsan Dastuurka Soomaaliya
5) In si deg deg ah loo sameeyo gudi ka kooban laba dhinaca si daba gal loogu sameeyo waxyaabihii lagu hishiiyay.
6) In ladhaqangeliyo heshiiskan si deg deg ah dawkaduna ay dusha kala socoto fulintiisa.
Qodobodan ayaa waxaa goobta uu shirku ka socday oo ah hotelka Safaari ee magaalada Muqdisho wada saxiixay wakiilo ka socda beelaha gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasoo cadeeyay sida ay ugu qanacsan yihiin heshiiska.
Saxiixa heshiiska beelaha gobolka Shabeelaha Hoose waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka oo kasoo jeeda beelaha dib u heshiisiinta loo qabtay.
Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Diinta Mudane C/llaahi Abyan Nuur oo ka mid ahaa masuuliyiintii goobjooga ka ahayd mudaddii uu socday shirka ayaa madasha kulanka ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.
Wasiirku wuxuu sheegay inaan laga aqbali doonin dhinacyada inay jebiyaan heshiiska maanta la gaaray.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Dawlada Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed, wuxuu sheegay in dawlada dhnaceeda xilweyn iska saareyso ilaalinta iyo fulinta heshiiskan, sidoo kalena laga rabo beelaha inay fuliyaan kuna dhaqmaan.
Wasiirku wuxuu kaloo adkeeyay muhimada amaanka isagoo sheegay in si deg deg ah loo qaado isbaarooyinka waddooyinka gobolka la dhigtay.
Heshiiska maanta beelaha dega gobolka Shabeelaha Hoose ay ku gaareen Muqdisho ayaa la filayaa inay ku xigsato in wufuud loo diro gobolka si ay heshiiskan uga soo dhaadhiciyaan dadweynaha gobolka ku nool.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho