Image may be NSFW.
Clik here to view.Muqdisho{RBC Radio}Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay heshiis la gashay Hay’ada cuntada Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobe ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano WFP,waxayna dowladu sheegtay in heshiiskaasi uu yahay mid u danaynaya Beeraleyda Soomaaliyeed.
Heshiiska ay Dowladu lagashay Hay’ada WFP ayaa waxaa faah faahin ka bixiyey Wasiirka Wasaarada Khayraadka dalka C/risaaq Cumar Maxamed ,wuxuuna sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay heshiis ka kooban Labo qodob la gashay Hay’adda Cunnada adduunka ee WFP.
C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in qodobka hore ee heshiisku uu yahay in dhammaan Raashinka deeqda ah ee ay hay’addu siiso dadka Soomaaliyeed ee danyarta ah laga iibiyo Beeraleyda Soomaaliyeed,lagana Kaaftoomo Raashinkii ay hay’addu dibadda ka keeni jirtay qodobka Labaad ayuu sheegay inuu yahay in bixinta deeqaha gargaarka ah aan lagu soo beegin xiliyada ay soo go’aan dalaga Beeraha dalka taasoo dhabar jab ku ahayd Beeraleyda Soomaaliyeed.
Wasiirka Khayraadka dalka ayaa tilmaamay in 20kii sano ee lasoo dhaafay ay dadka Soomaaliyeed dhibaato ku haysay habka ay hay’adani u bixiso gargaarka raashinka ah,wuxuuna tibaaxay in hadda wixii ka danbeeya ay hay’addu ku shaqayn doonto qodobada heshiiskan.
Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa ka caban jiray Hay’adda Cunnada adduunka ee WFP oo ay ku eedeeyeen iney dhabar jabin ku samaynayso wax soo saarka dalka,WFP ayaa ku caanbaxday bixinta gargaarka xiliyada ay soo go’aan dalaga beeraha taasoo qiimo dhac ku keentay miraha kasoo baxa Beeraha wadanka sida ay aaminsan yihiin dad badan oo Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho