London{RBC Radio} Qaar ka tirsan Xildhibaanada baarlamaanka wadanka Ingiriiska oo kulan ku yeeshay magaalada London ee caasimadda dalkaas ayaa ka wada hadlay wararka sheegaya in deeqo dowladda Ingiriisku ay ugu talagashay shacabaka Soomaaliyeed ay gacanta u galeen dagaalamayaasha alshabaab.
Warbaahinta wadanka Britain ayaa hadal haya kulanka ay yeesheen mudanayaasha ka tirsan baarlamaanka wadankaas oo si kulul u cambaareeyey wararka tilmaamay in alshabaab ay qaateen deeqo ay dowladda UK ugu talagashay shacabka Soomaaliyeed,waxayna ku tilmaameen arintaasi wax laga naxo.
Xildhibaanada kulanka yeeshay ayaa sheegay in tallaabada ay alshabaab ku boobeen deeqaha dadka danyartya ah ee Soomaaliyeed loogu tala galay ay abuurayso walaac iyo kalsooni darro ku timaada wadamada deeqaha bixiya sida ay sheegeen.
Mudanayaashan oo ka tirsan Xisbiga muxaafidka ah ayaa sheegay in ay arintaasi sababtay siyaasad xumida dowlada Ingiriiska ka haysata dhanka dibada” aad bay arintaani waalaac badan noogu abuurtay ,waliba markaan maqalnay deeq ay dowladeenu ugu tala gashy dad dhibaataysan in ay qaateen koox argagixiso ah aad ayaan uga xumaanay” ayuu yiri geral hawas oo ka tirsan xildhibaanada kulanka yeeshay.
Dhanka kale Xildhibaan ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha ee wadanka Britan ayaa tilmaamay in ay taasi walwal badan ku abuurayso gargaarka ay Britan siin jirtay wadamada Afrik.
“waxaa hada kadib loo baahnaan doonaa in dabagal dheeraad ah lagu sameeyo deeqaha ay dowladda Ingiriisku siiso dalalka geeska Afrika si loo xakameeyo dhibaatada ka imaan karta kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaalaysanaya wadamada bariga Afrika”sidaasi waxaa sheegay xildhibaankan ka tirsan Xisbiga shaqaalaaha dalka Britain.
Hadalka Mudanayaashan ka tirsan baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaanahan ay soo baxayeen warar sheegaya iney alshabaab la wareegeen qalab ay dowladda Ingiriisku ugu deeqday bulshada Soomaaliyeed ee tabaalaysan.
RBC Radio
Xafiisak Wararka Muqdisho