Gaalkacyo[RBC Radio]Gud ahanba deegaanada Puntland waxaa ka socda qaban qabada loogu jiro soo xulista Baarlamaan cusub kaso badala midka hadda jira ee xiligisu dhamadka yahay.
Kulan looga arrinsadey sidii looso xulilahaa Baarlamaan isbadal dhaliya ayaa maantey ka dhacay magaaladda Gaalkacyo,waxana uu kulanka dhexmarey qar ka mid ah nabadoonada iyo ganacsatadda gobolka Mudug kuwaaso ganacsi kuleh magaaladda Boosaaso.
Shirkan oo ay soo qaba qaabiyeen aqoonyahanada iyo ganacsatadda gobolka Mudug ee ganacsiga kuleh Boosaaso ayaa waxaa kasoo qeyb galey xubno ka mid ah nabadoonada gobolka Mudug,waxana ay isla soo qaaden sida ugu haboon ee gobolka Mudug looga soo xulilaha Baarlamaan wax qabad muqda la yimaada.
Nabadoonada ka soo qeyb galey shirka ayaa iyaguu dhinacooda sheegey inay haboontahay in xiligaan Puntland ay hesho hogaan isbadal dhalinkara kaaso horumar u horseedikara dadka iyo deegaanka.
Ganacsatadda iyo aqoonyahanada iyagu shirkan soo qaban qaabiyey ayaa u sheegey waxgaradka, nabadoonada iyo cid kasta oo laga sugayo inay soo xulan xubnaha Baarlamaanka inay dalka usoo magacaaban qof ku dhiran inuu isbadal ka dhaliyo dalka kana sii qada halka uu xiligaan joogo.
Saxaafadda ayaa dibada kajogtey inta ay is xog waresanayeen nabadoonada,aqoonyahanada iyo ganacsatada gobolka Mudug ee ku ganacsata Boosaaso.
Xiligii uu soo dhamadey shirkii labada dhinac ay ku kala warqadanayaan ayaa waxaa warbaahinta lahadley C/Rixmaan Warsame Jaamac oo ka mid ah dadkii kulan soo qaban qaabiyey,waxana uu sheegey inay kulankaan u qabteen sidii gobolka Mudug ay uga iman lahaayen xubno wax tar ah oo isbadal dhaliya kuwaaso ka qeyb gala Baarlamaanka cusub ee la soo dhisayo.
…”‘”Shirkaan waxaa uu ahaa mid looga hadley sidii gobolka Mudug looga soo xulilaha Baarlamaan cusub oo badala kuwa xiligaan ee waqtigoodu dhamadka yahay,waxana la isla soo qadey in la soo xulo xubno isbadal ka dhaliya dalka…”"”ayuu yiri C/Rixmaan Warsame Jaamac oo ka mid ahaa xubnihi shirkaan soo qaban qaabiyey.
C/Rixmaan Warsame Jaamac waxaa uu sidoo kale hadalkiisa kusoo qadey in xiligaan Puntland ay sameesey horumar badan balse xiligan la doonayo in xukuumada la soo dhisayo inay naqoto mid sii an ba qaada horumarka dalka.
…”"”Puntland xiligaan waxaa ay sameesey horumar muuqda oo baaxadleh balse waxaa loo bahan yahay in la soo dhiso xukuumad sii ay u an baqaado horumarka dalkana garsiisa mel wanagsan oo lugu hirsan karo…”"“ayuu yiri C/Rixmaan Warsame Jaamac.
Sidoo kale C/Rixmaan Warsame Jaamac waxaa uu ugu baaqey dhamanba waxgaradka laga dhowrayo inay soo dhisan xukuumada cusub ee gobolada Puntland inay soo dhisan dad wax tar ah oo isbadal hor seedikara.
…”"”Waxan sidoo kale ugu baaqeyna gobolada Puntland inay soo dhisan dad isbadal horseedi kara isla markana noqda dad wax tar uu ah bulshada iyo dalka iyo dadkana isbadal u herseedi kara…”"“ayuu yiri C/Rixmaan Warsame Jaamac .
Si kasto ay ahaatabada kulankaan qado sharafka ah ee ganacsatada iyo aqonyahanada gobolka Mudug ay soo agaasimen ayaa imaanaya xili deegaanada Puntland looga suxul dubanayo sidii loo so dhisilaha xubnaha badali doona Baarlamaanka xiligaan jira.
_________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo