Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dawlada Mareykanka oo Bedeshay Danjirihii ugu Qeybsanaa Soomaaliya Iyo Danjire Cusub oo Xilka La Wareegay

$
0
0

James P. McAnultyNairobi (RBC) Waaxda arrimaha dibadda ee dawlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in la bedelay danjirihii hore ee dawlada Mareykanka sida gaar ah ugu xilsaarnaa Soomaaliya James Swan oo mudo ka soo shaqeeyay safaaradda Mareykanka ee Kenya qeybta qaabilsan Soomaaliya.

Wakiilka cusub ee Mareykanka u soo xilsaareen arrimaha Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa James P. McAnulty wuxuuna xilka la wareegayaa maalinta Arbacada ee 14-08-2013 oo ku beegan berito.

War saxaafadeed ka soo baxay xarunta safaaradda ee magaalada Nairobi oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Raxanreeb ayaa lagu sheegay in wakiilka cusub uu hogaamin doona kooxda diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha kale ee safaaradda Mareykanka ugu xilsaaran arrimaha Soomaaliya.

Dawlada Mareykanka hadda safaarad ugama furna magaalada Muqdisho waxayna shaqaalaha iyo danjirahaba ku shaqeeyaan Nairobi, waxaysa diblomaasiyiinteeda si joogto ah u tagaan caasimada Muqdisho toddobaad kasta.

Danjiraha cusub James P. McAnulty ayaa ah nin dublomaasi oo tan iyo sanadkii 1983 ka shaqeynayey arrimaha diblomaasiyada iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Wuxuu ka soo shaqeeyay wadamo ay ka mid yihiin Nigeria, The Bahamas, Costa Rica, Kenya, Belgium iyo Mexico.

Dhowr wadan oo ay ka mid yihiin Turkiga, Ingiriiska, Ethiopia, Jabuuti iyo wadamo carab ah ayaa hadda safaaradahooda ka shaqeeyaan caasimada dalka ee Muqdisho.

 

RBC Radio
Xafiiska wararka Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles