Dhuusomareeb [RBC Radio]Wararka anuu ka heleyno degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa soo sheegaya in halkaasi ay maantey ka taagantahay dhaliilo colaaded oo ay walaac ka muujiyeen dadka deegaanka ee degmada ku dhaqan.
Xisaad ka tagaan degmada Dhuusomareeb ayaa u dhaxeysa ciidamada culimaa’udiinka Ahlunah waljamaaca iyo ciidamo uu wato guddoomiyaha cusub ee dowladda faderaalka Soomaaliya dhawaan usoo magacawday gobolka Galgaduud.
Arrintaan ka taagan magaaladda Dhuusomareeb ee ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa la caddeyey inay ka danbeysey kadib markii ciidamada guddoomiyaha cusub ee gobolka Galgaduud ee dowladda faderaalka Soomaaliya ay soo magacowdey dhawaan ay la baxsadeen gaari nooca dagaalka ah oo ay lahaayeen ciidamada Ahlu sunah Waljamaaca.
Ahlu sunah Waljamaaca ayaa si kulul u sheetey in ciidamada tabacsan guddoomiyaha cusub ee dowladdu gobolka usoo magacawdey inuu sida ugu dhasiyaha badan usoo celiyo gaari ay leeyihiin ee xiligaan gacantooda ugu jirta.
…”"”Waxan ugu baaqeyna oo an u sheegena ninka lasoo magacaabey ee ciidamada maleeshiyadka ah isku soo aroorsadey inuu soo ceeliyo gaari gacantisa ku jira sida ugu dhaqsiyaha badan…”"”ayuu yiri sargaal Ahlasuna u hadley.
Dhinaca kale goobjoge lahadley Raxanreeb.com ayaa u sheegey in xiisadan ay tahay mid saamen ku yeelatey gud ahanba magaaladda kadib marki ay xirmeen isu socodka dadka iyo gaadidka oo xiran,sidoo kale waxaa uu sheegey in jidka dhexmara magaaladda inay labada dhinac kala joogan ciidamo kala tabacsan dhinacyada is hor fadhiya.
…”"”Runtii xisadaan waxay saamen ku yeelatey dadka deegaanka maadama uu xiran yahay isu socodkii dadka oo ay magaaladda gudeheda isku hor fadhiyaan ciidamo tabacsan labada dhinac ee is hor fadhiya…”"”ayuu yiri goobjoge sababo amniga la xiriira magaciisa naga codsadey inan shaacin.
Sidoo kale goob jogaha waxaa uu sheegey in xiligaan cabsi farabadan ay qaban dadka shacabka ah ee magaaladda ku dhaqan kuwaaso ka cabsi qaba dagaal ka dhaca gudahanba magaaladda maadama ay ciido is hor fadhiyaan.
…”‘”Dadka shacabka ah waa dad dhagtu u taagan tahay maantey oo waxay ka cabsi qabaan in dagaal uu dhaco,waxana la arkaya inay is hor fadhiyaan labada dhinac ee xiligaan xisadu ka dhex tagan tahay…”"”ayuu yiri goobjogaha oo Raxanreeb.com lahadley.
Xiisadan ayaa imaaneysa iyadoo Ahlunah waljamaaca ay horey u sheegtey inaysan aqbali doonin masuul an iyaga ka tirsaneen kaaso loo somagacaabo inu guddoomiye ka noqdo deegaanada ay iyagu ka arimiyaan.
__________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo