Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dhaqaatiirta Caafimaadka Gobolka Nugaal oo Midoobay.

$
0
0

nnnnnnnnnn

 

Garoowe (RBC RADIO) Dhaqaatiirta Gobolka Nugaal ayaa Maanta si toos ah Saxaafada ugu shaaciyay Jiritaanka Urur ay ku mideysan yihiin Dhaqaatiirta Gobolka Nugaal oo Magaciisa Marka lasoo gaabiyo loo yaqaan NUGMA kaasi oo indhawaleba si xoogan looga hadal hayay Gobolka waxaana Daahfurka iyo Shaacinta Ururkan kasoo qayb galay Masuuliyiin ka socota Puntland Dhaqaatiir iyo Wax garadkale.

Dr Cartan Baafe oo ah Gudoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Gobolka Nugaal wuxuu sheegay in wax yaabaha ugu muhiimsan ee ururkani loo yagleelay ay tahay ka war qabka iyo kaalmaynta Caafimaadka Gobolka isagoo sheegay in dadka ay talooyin wacan ka siin doonaan arimaha Caafimaadka korna ay u qaadi doonaan Heerka caafimaad ee Gobolka hadii wada shaqayn dhab ah ay ka helaan Shacabka sida uu Cartan Hadalka u dhigay.

“Waxaa noogu muhiimsan in uusan shaqo galin dadna dawo u qorin Dhaqtar aan la hubin Aqoontiisa maadaama ay iska soo bateen dadka Dhaqaatiirta sheegta Shacabkana dawooyinka qaldan u qora, waxaan balan qaadeynaa inaan dadka ugu shaqeyno si daacad ah waxaan balan qaadeynaa inaan dadkeena u sheegno waxaan uga aqoon badan nahay iyagana waa in ay inaga qaataan oo ina rumeystaan, waxaan kaloo balan qaadeynaa inaan la shaqeyno wasaarada Caafimaadka Puntland,waxaan kaloo xusayaa Gobolkan kaliya in uusan Ururku ku ekaan doonine laga hirgelin doono Dhamaan Gobolada Puntland ee Soomaaliyeed sidaana waxaa yiri Gudoomiyaha Ururka (NUGMA)

Dr Xabiibo nuur Ismaaciil oo Dhaqaatiirta Puntland ugu Caansan Xaga Daweynta Dumarka ka mid ah ayaa dhankeeda sheegtay in midowga Dhaqaatiirta Gobolka looga gol leeyahay in la mideeyo aqoonta iyo kartida Dhaqaatiirta kadibna looga hortago hadii ay Gobolka ka dhacaan Masiibooyin caafimaad ee kala duwan waxayna bulshada u balan qaaday in ay u aayi doonaan Waxqabadka Ururkan.

Dr Cali C/laahi Warsame Wasiirka Caafimaadka Puntland oo maasha ka hadlay soo dhaweyn kadib wuxuu sheegay in Ururkani ay Aqoonsanyihiin kadib markii uu qanciyay Nidaamkooda shaqo iyo Aqoonta ay u leeyihiin arimaha Caafimaadka, Wasiirku wuxuu kaloo sheegay Maadaama ay dad badan oo Dacwoonaya ay Wasaarada ugu yimaadeen iyagoo ka andacoonaya Dad ka dhintay kuwo ka curyaamay iyo Cabasho kale oo Xirfad xumo iyo Aqoon daro ay ku timid uu rajo wanaag ka muujinayo  Wasiirku in ururkan uu ka xigsan doono Wasaarada kala Hufida Dhaqaatirta tiro-beelka ah ee Gobolada Puntland ka hawlgala.

Ururkan oo in mudo ahba jiray sida tooska ahna Maanta loogu dhaqaaqay ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee Gobolka Nugaal looga dhawaaqo iyadoo la filayo in uu is bedel ku keeno Baahiyaha Caafimaad iyo Xirfad xumo ee ka taagan Gobolka dad badana ay arimahaasi qaati ka taagan yihiin.

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles