Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20184

Sanad guuradii 15aad ee aasaaska Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo si wayn looga xusay Minneapolis (Sawirro)

Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4634
Waxaa lagu qabtay xaflad si wayn loo soo agaasimay oo lagu xusaayey asaaskii Dowlad Gooboleedka Puntland ee Soomaaliya oo ka soo wareegtay mudo 15 sano ah. Xafladaan oo loo qaybiyey labo qaybood.

Qaybta hore ee xaflada ayaa waxaa lagu qabtay Hilton Airport Hotel ee Bloomington, MN oo ah agaarka magaalada Minneapolis: waxaa halkaa ka hadlay aqoonyahano si aad ah uga warhaya Puntland abuurkeedii, taabalkeedii iyo mustaqbalka meesha loogu hanwayn yahay in ay Puntland State of Somalia tiigsato. Qubaradaas oo uu ka mid ahaa Professor in mudo ah wax ka qoraayey Puntland oo layiraahdo Dr. Micheal Weinstein oo wax ka dhiga Jaamacada wayn ee lagu magacaabo Purdue University oo ku taal dalka Maraykanka. Dr. Weinstain oo qudbadiisa ku saabsanayd guud ahaan Puntland siyaasadeeda – ha ahaato waqatigii la soo dhaafay, mida hada jirta iyo Mustaqbalka meesha ay hiigsanayso.

Sdioo kale waxaa ka soo qaybgalay aqoon kororsigaa looga munaaqashoonayey Dowlada Puntland wasiirkii hore ee wasaarada qorshayn ee Puntland, ahna xildhibaan ka mida dowlada Federaalka ee Soomaaliya. Dr. Cabdiqaadir Cabdi Xaashi. isaga oo dadkii halkaa isugu yimid oo isugu jiray: waxgarad, culimo, aqooyahano rag iyo dumarba leh siiyey faahfaahin buuxda oo ku saabsan Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliyaa. Mar aan wax ka waydiiyey mid ka mida qaban qaabiyaasha xaflada oo layiraando mudane: Abdihabiib Yasiin, waxaa uu qaybti hore ku tilmaamay in ahayd mid daahfur oo dadka lagu barayey Puntland: taariikhdayda shalay, xaalada ay ku sugan tahay maanta iyo halka ay tiigsanayso in ay gaarto beri. Sidoo kale, mudane Abdihabiib waxuu xaflada uga dhawaaqay urur cusub oo la yiraahdo: Puntland Institute for Policy Study – kaas oo u adeegi doona danaha dadka reer Puntland. Waxaa uu intaa ku daray in shir ku saabsan Puntland Institute for Policy Study la qaban doono goor dhow iyada oo lagu soo casumaayo dhamaan wax garadka rag iyo dumarba ee degan gobolka Minnesota.

Qaybtii labaad ee xaflada ayaa waxaa ahayd mid ay isugu yimaadeen dad aad u faro badan oo isugu jiray rag iyo dumarba, kuwaas oo lulayey calanaka Puntland iyo midka Soomaaliya. Halkaas waxaa qudabado xigmadi ku dheehan tahay ka soo jeediyey Dr. Cabdiqaadir Cabdi Xaashi iyo qaar ka mida jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan gobolka Minnesota.

Ugu danbayn, dhamaan dadkii ka hadlay xaflada iyo kuwa ka soo qaybgalayba, waxay is xasuusinayeen in isku duubnaanta ay tahay mida kali ah ay ku gaari karaan dadka reer Puntland guusha ay gaareen sida hor u marka dhinaca siyaasada, nabadgelyada iyo dhaqaalahaba. Sidoo kale, dadkii ka soo qaybgalay xaflada oo aad moodoo in ay u oomanayeen in qabashada xafladaha sananguurada Puntland ay noqoto mid ka dhacda Minneapolis sanad kasta sida dalalka kale ee qurbo joogta reer Puntlandiga ku badan yihin oo kale, mida sanadkaan ay muujisay isku duubnida reer Puntland in ay tahay mid muqadas ah, isla markaana ay Soomaalinimadooda ahayn in su’aal gali karto, oo ay yihiin dad Soomaalinimada ku dheer tahay. Waxa kaloo isku booriyeen in Puntland in noqoto mid wax wayn ku biirisa dalkeena hooyo ee Soomaaliya iyo dadkeena Soomaaliyeed.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Abdulkadir Abdi Hashi
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4787
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4771
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4778
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4762
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4768
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4739
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4760
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4684
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4726
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4644
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4666
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4682
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4654
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4636
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4638
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4635
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4633
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4625
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4630
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4608
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4610
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4601
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4593
Image may be NSFW.
Clik here to view.
100_4590

Waxaa qoray, soo tabiyey: Mohamed Barre – Junlay (Buluf) oo wax ka qora arimaha jaaliyada Soomaaliyeed ee degan Magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota – junlay99@aol.com

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20184

Trending Articles