Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20236

DEG DEG: Dagaal qaraar oo haatan ka socda deegaano ka tirsan gobolka Bakool

$
0
0

dagaaltooooooooooooooooo

Ceelbarde{RBC Radio} Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa ku waramaya in xiligan uu deegaan ka tirsan gobolkaas ka socdo dagaal qaraar oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo alshabaab.

sida aan wararka ku heleyno dagaalka oo ka socday deegaanka Garasweyne oo hoos yimaadda degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa u dhexeeya ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha alshabaab,sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo ku sugan aagga uu dagaalku ka socdo warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda ay qaadeen weerarka.

Sarkaalka ayaa tilmaamay in dagaalku uu geystay khasaaro iskugu jira dhimasho  dhaawac ,waxaa yar wararka laga heli karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka maadaama uu dagaalku wali socdo.

Wararka aan ka heleyno  deegaanka uu dagaalku ka socdo ee  Garasweyne ayaa tilmaamaya in dagaalku uu yahay mid culus uuna socdo 2 Saacadood oo xiriir ah,waline ay rasaastu dhacayso,waxaana dagaalka qaaday ciidamada dowladda oo weerar ku qaaday fariisimo ay alshabaab ku lahaayeen deegaankaas.

Wixii kusoo kordha dagaalka ka socda gobolka Bakool kala Soco Warbaahinta Raxanreeb.com

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20236

Trending Articles