Muqdisho{RBC Radio} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay Markab siday deeq gargaar ah oo dowladdu ay u dirtay deegaanada uu ka arimiyo maamulka Puntland kaasoo masuuliyiinta maamulkaas ay u diideen inuu ku xirto dekedda magaalada Boosaaso.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda adeegga bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamuud Macalin Yaxye oo warbaahinta la hadlay ayaa ka jawaabay tallaabada uu maamulka Puntland isku hortaagay Macaawinadii loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ku tabaalaysan deegaanada maamulka Puntland,wuxuuna ku tilmaamat go’aankaas inuu ahaa wax laga xumaado oo aan loo baahneen.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda adeega bulshada xukuumadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in dowladdu aysan raaali marna ka noqon karin in shacab Soomaaliyeed oo tabaalaysan laga hor istaagto gargaarka ay u baahan yihiin,wuxuuna ka dalbaday masuuliyiinta maamulka Puntland iney ka noqdaan go’aankaas.
“Ma qabno ka wasaarad ahaan iyo ka dowlad ahaan in shacab Tabaalaysan oo gurmad loo geeyey in gurmadkii laga soo celiyo,waxaan leenahay dadkaas gargaarka macaawinada ah loo diray walaalaha maamulka kana codsanaynaa iney ka fiirsadaan walaalahood baahan una naxaan,xil ayaa ka saaran in wixii loo soo dhiibo ay gaarsiiyaan”sidaas waxaa warbaahinta u sheegay wasiir ku xigeenka wasaarada adeega bulshada Soomaaliya Maxamuud Macalin Yaxye.
Wasiir ku xigeenka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey xalinta Muranka ka dhashay deeqda ay dowladdu dooneysay in la gaarsiiyo shacabka ku dhibaataysan deegaanada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland,wuxuuna dhanka kale tilmaamay in dowladdu ay diyaar u tahay iney shacabka Soomaaliyeed ku taageerto wax walba oo ay awoodo.
Maamulka Puntland ayaa ku gacan sayray deeqda ay dowladdu u dirtay deegaanada maamulkaas,waxayna ku tilmaameen faragalin qaawan iyo dana Siyaasadeed oo laga leeyahay deegaanada Puntland sida ay sheegeen.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho