Muqdisho{RBC Radio} Garoonka diyaaradah caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa loo sameeyay Bog internet ugaara oo lagala socon doono dhaqdhaqaaqa duulimaadyada garoonka Aadan Cadde.
Mogadishuairport.com ayaa waxaa laga heli karaa magacyada Diyaaradah imaanaya maalintaas, dalka ay ka imaanayaan ,diyaaradaha duulaya iyokuwa soo caga dhiganaya xiliga ay soo dagayaan ama ay ka duulayaan garoonka,waxaa sidoo kale laga heli karaa lambarka duulimaadyada.
Boggan ayaa waxaa kaloo laga helayaa Liiska duulimaadyada dalka imaanaya,dalalka shirkadahoodu duulimaadyada ka sameeya Muqdisho iyo kuwa doonaya iney dib u bilaabaan duulimaadyadii ay ku imaan jireen garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.
Website-kan garoonka loo sameeyey ayaa waxaa ka mid ah waxyaabaha uu qabanayo la socodka sarifka lacagaha Qalaad iyo shilinka Soomaaliga ah,Adeegyada Deg degga ah,furayaasha Taleefanada gacanta,iyo sugidda nabadgalyada Garoonka.
Taliyaha hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya C/llaahi Gaafow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay ineysan Laanta Socdaalka shuqul ku lahayn Samaynta goggan, Website-kan oo la diiwaan galiyey bilowgii bishii June ee sanadkan ayaa waxaa tixraaciisa ku xusan nin lagu magacaabo Macalin Cabdi Bayloot.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho