Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Taliska ciidanka dowladda ee gobolka Baay oo beeniyey eedeyn uga timid masuuliyiinta maamulka gobolkaas

$
0
0

baydhabo1Baydhabo{RBC Radio} Maamulka ka arimiya gobolka Baay ayaa ku eedeeyey qaar ka tirsan ciidanka milatariga in ay Isbaarooyin  dhigteen meelo ka mid ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay,waxaana si kulul  eedahaasi uga jawaabay taliska ciidamada dowladda ee gobolkaas .

Taliyaha ciidamada xooga qaybta lixdamaad ee gobolada Baay,Bakool,iyo Gedo Gen. Ibraahim Yarow ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay eedeynteaka soo uga timid maamulka degmada Baydhabo ee  ahayd in ciidamada xooga dalka Soomaaliya ay dhigteen isbaarooyin meelo ka mid ah gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

“Waa wax kama jiraan arintaas haday isbaaro taalo magaalada Baydhabo waxay u taalaa maamulka iyagaana dhigta isbaarooyinka,nin walba oo ka tirsan maamulka Degmada waxaan la soconaa in gurigiisa ay saldhig ka dhigteen qaar kamid ah ciidamad,iayag ayaa duminayo ciiidanka xooga iyaga ayaa hadana qaylinayo,yaa ogolaansho usiiyay in ay ciidanka Xooga guryahooda ku haystaan,waxaan u sheegaa ciidamadaas in ay xiryahooda ku xaroodaan muddo 12Saac gudahood”ayuu yiri Gen Ibaraahim Yarow.

Gen: Ibraahim Yarow ayaa dhanka kale ku eedeeyay maamulka degmada Baydhabo in aysan waxba ka qaban dhinacyo badan oo ay ka midyihiin horumarka iyo bilicda magaalada Baydhabo sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ciidamada xooga qaybta Lixdamaad ee gobolada Baay,Bakool iyo Gedo Gen: Ibraahim Yarow ayaa hadalkiisu imaanayaa xilli uu gudoomiye ku xigeenka degmada Baydhabo C/qaadir shiikh Cali Barako uu hore eedeeyn ugu jeediyay ciidamada milatariga in ay Isbaarooyin u yaalaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles