Muqdisho{RBC Radio} Kulan looga hadlayey amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay hoyga uu madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed ka dagan yahay R/wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid,kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay laamaha amniga dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir.
Markii uu kulanku soo gabagaboobay ayaa waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladda federaalka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed,wuxuuna ka warbixiyey qorshayaasha sugidda amniga magaalada iyo waxqabadka laamaha amniga ee xaqiijinta nabadgalyada magaalada caasimadda.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in laamaha amniga dowladda ay u suurta gashay burburinta Fariisimo ay alshabaab ku lahaayeen xaafadaha magaalada Muqdisho,wuxuuna xusay iney sidoo kale hawlgaladaas kusoo qabqabteen rag ka tirsan alshabaab oo sida uu sheegay ku hawlanaan amni xumada magaalada ka jirta.
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in laamaha amnigu ay gacanta kusoo dhigeen 39 ruux oo qaarkood ay yihiin horjoogayaasha alshabaab ee dhibaatada ka wada gudaha magaalada Muqdisho sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna tilmaamay iney dadkan kasoo qabqabteen degmooyinka Yaaqshid,Hiliwaa,Kaaraan,Shibis,X/weyne,X/jajab iyo Waaberi.
Wasiirka ayaa intaa ku daray iney ku raadjoogaan rag kale oo ka tirsan alshabaab oo ku dhuumaalaysanaya xaafadaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,wuxuuna wacad ku maray iney magaalada ka sifayn doonaan dagaalamayaasha alshabaab ee ka wada magaalada qalqal galinta nabadgalyada.
C/kariin Xuseen Guuleed wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya ayaa tilmaamay iney bedeleen qorshihii sugidda amniga magaalada caasimadda,wuxuuna tibaaxay iney xoogga saareen raadinta xogta iyo Xuuraanka dadka magaalada qaska ka wada,arintaas oo uu sheegay iney wax badan ka tarayso xaqiijinta nabadgalyada Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho