Gaalkacyo[RBC Radio]Bahdda caafimaafka gobolka Mudug ayaa si cadd u sheegtey in xiligaan ay ku howlanyihiin sidii ay u gacansin lahaayen Cisbitaalka guud ee magaaladda Kismaayo,kaaso xiligaan ay ka imaanayan baaqyo ku aadan in shaqada Isbitaalka ay gabis gashey.
Qorshahaan xiligaan socda ayaa la sheegey inuu yahay mid lugu doonayo in gacan looga geesto dib u soo noolaynta kabayaasha caafimaadka ee Cisbitaalka Kismaayo.
Dr. C/qaadir Maxamuud Jaamac (Dhagacade) maamulaka cisbitaalka GMC ee loo yaqaan (Dhagacade) ayaa mar uu la hadlayay warbaahinta waxaa uu ku shaaciyay taageeradaas loo fidinayo cisbitaalka magaalada Kismaayo uuna jirana dhakhtar ma hore loo diray halkaasi si uu qiimayn ugu soo sameeyo.
…”"”Waxaa xiligaan jira in saraakiisha caafimaadka iyo dhakhaatiirta gobolka Mudug ay ku balameen inay gacan ka gaystaan soo noolaynta baahiyaha caafimaadka ee magaalada Kismaayo gaar ahaan cisbitaalka…”"”ayuu yiri Dr.Dhagacade.
Sidoo kale waxaa uu sheegey dr,Dhagacade in xiligaan magaaladda Kismaayo ay u direen dhakhtar xirfad leh kasoo soo qiimeeyo baahiyaha caafimaad ee magaaladaasi ka jira.
…”‘”Mar horaba magaaladda Kismaayo waxan u dirney dhakhtar xirfad leh kasoo soo qiimeeyn doona baahiyaha caafimaad ee magaaladaasi ka jira,anaguna waxan gacan kasiin doona wixii an awood u lenahay…”‘”ayuu sidoo kale yiri Dr.Dhagacade.
Magaaladda Gaalkacyo waxaa wali kusugan dad ay waxyeelo kasoo gartey dagaalo ka dhacay dhawaan magaaladda Kismaayo,xiligaan Cisbitaalada magaaladda waxaa kajiru xubo ka mid ah dhaawacyada halka kuwao kalana horey Kismaayo loogu celiyey.
Hadalkaan ka soo yerey Dr.Dhagacade ayaa noqonaya gacansiinti ugu horeysey ee loogu baaqo in la siin doono Cisbitaalka Kismaayo kasoo gabiis uu ku jiro adegyadiisa caafimaad.
___________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo