Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil”Kenya ma doonayso inay qabtaso dhul Soomaali ledahay,ee dad wax magarato ah baa ka dhex shaqeenaya labadda dal”

$
0
0
Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil

Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil

Nairobi[RBC Radio]Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya ayaa markii ugu horesey ka hadley eedemo loo jeediyo Kenya taaso ku aadan in qorshaha dalkaas uu yahay inay qabsato qeybo ka mid ah dhulka Soomaalida ee xuudka laleh.

Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil oo ah h mudane laga soo dorto dhulka Soomaalidu dagto ee gobolka waqooyi bari dalkas ayaa munaasabad ka dhacdey magaaaladda Nairobi ee xarunta dalkaas hadal uu jeediyey ku soo hadal qadey inay jirto wararka la faafiyay oo ku aadan in Kenya ay Soomaaliya ciidankeda u kentey inay qabsato dhulka ay joogan,balse xildhibaanku arrinta waxaa uu ku tilmaamey mid an waxba ka jirin.

…”"”Waxan la socona in dadka qaar ay aaminsan yihiin in ciidamada Kenya Soomaaliya loogeyey sidii ay u qabsanlahaayen dhulka ay ku sugan yihiin balse arrinta waxaa ka shaqeeyey dad wax magarato ah oo wax been ah faafiyay…”"”ayuu yiri xildhibaan Ilyaas Barre Shiil.

Sidoo kale xildhibaanka oo khudbad ka jeediyey munaasab ay ka qeyb galeen siyaasiyin Soomaaliyed oo xilal kala gadisan oo illaa her R/wasaare ah kasoo qabtey,waxaa uu si cadd u sheegey inay jiran dad xiligaan ku howlan isku dhufashada iyo khilaaf ka dhasha labada dowladdood ee dariska ah waa Soomaaliya iyo Kenye kuwaaso uu ku tilmaamey inay ka kala warqadayan warar been aburna faafinaya.

…”"”Waxaa jira dad shaqo ka dhigtey inay isku dhuftaan labada dalka oo ka dhex wada warar been abuur ah, kuwaas waa kuwo wax magarato ah oo jacel khilaaf ka dhex dhasha labada dowladdod lakin taas ma dhici doonto,Kenyana waxay marwalba ku dadaasha horumarka Soomaaliya..”"“ayuu yiri xildhibaanku.

Ciidamadda Kenya ee Soomaaliya kusugan

Ciidamadda Kenya ee Soomaaliya kusugan

Ilyaas Barre Shiil waxaa uu sidoo kale sheegey in loo bahan yahay in xal laga gaaro cid kasta oo isku dayda inay ka shaqeyso dhib ka dhex dhasha ama khilaaf soo kala dhex gala Kenya iyo Soomaaliya.

…”"”Waxaa loo bahan yahay in labada dowladdod ay iska kaa shadan si an dhexdooda looga shaqen oo wax walba oo dhexyaala ay kusoo af jaran wada hadal,si xal ay uwadda gaaran…”"ayu yiri xildhibaan Ilyaas Barre Shiil oo ka mid ah baarlamaanka dalkaasi Kenya.

Si kastaba xiriirka Kenya iyo dowladda xiligaan jirta ee Soomaaliya ayaa la sheega inusan wanagsaneen oo ay ku muransan yihiin arrimaha ka taagan goboladda Jubbooyinka ee ku aadan maamul dhawan halkaas loga dhawaaqey.

________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com

Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles