Kampala{RBC Radio) Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo oo maanta barqadii ka duulay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo gaaray dalka Uganda ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay halkaasi.
Wafdiga uu hoggaaminayay gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cisman Jawaari ayaa waxaa ka mid ahaa gudoomiye kuxigeenka Labaad ee Barlamanka Mahad Cabdalla Cawad iyo guddoomiyayaasha guddiyada joogatada ah ee baarlamanka federaalka Soomaaliya.
Waftiga gudoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kampala ee Entebbe kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan baarlamaanka Uganda iyo masuuliyiinta safaarada ay Soomaaliya ku leedahay dalkaasi Uganda.
Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa maalinta berri ah lagu wadaa in uu kulan la qaato dhigiisa Uganda oo ay ka wada hadli doonaan sidii loo midayn lahaa baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda,Socdaalka gudoomiyaha ee daka Uganda ayaa ka danbeeyey casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa dalkaas.
Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Kampla ee xarunta dalka Uganda labada Gudoomiye ayaa lagu wadaa iney qalinka ku duugaan heshiis wax wada qabsi oo lagu midaynayo baarlamaanada labada dal.
Waxaana xigi doona kulamo kale oo ay yeelan doonaan gudiyada joogtada ah ee baarlamaanada Soomaaliya iyo Uganda kuwaas oo sii amba qaadi doona heshiisyada ay kala saxiixan doonaan labada gudoomiye sida ay kusoo waramayaan wararka aan ka heleyno magaalada Kampala.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho