Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xuska Maalinta Dhalinyarada Aduunka oo Puntland laga xusay iyo Madaxda oo tilmaamay in dhalinyarada ay musiibo usoo korortay.

$
0
0

Garoowe (RBC RADIO) Xuska Maalinta Dhalinyarada Caalamka oo ku beegan 12ka Augost oo Maanta Garoowe ka dhacday kana soo qaybgaleen masuuliyiin kala duwan ayaa si weyn loogu lafa guray taageerada Dhalinyarada shaqasiintooda, iyo in loo sameeyo Wacyigelino ku aadan sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka Dhalinyarada waxaana kulankan ka hadlay oo guubaabo badan kasoo jeediyay Masuuliyiinta Dowlada Puntland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

 

C/Wali Maxamed Xisi Indha-Guran Wasiirka Shaqada Shaqaalaha Dhalinta iyo Cayaaraha Puntland oo Madasha ka hadlay wuxuu sheegay in Maanta oo ku began Maalinta dhalinyarada ay Puntland u tahay maalin Musiibo kadib markii dhalinyarada intooda badan ay ku dhamaadeen badaha inta ka harsanna ay hada quudareenayaan in ay dalka ka safraan taasoo uu ku tilmaamay in ay tahay mid musiibo ku ah Bulshada Reer Puntland, wuxuu sida uu hadalka u dhigay cadeeyey in wasaaradiisa ay dhalinyarada wax badan u qabatay oo wacyigelino ay ka mid tahay laakiin taasi la waayay wax dhag-jalaq u siiya, wuxuu dalbaday in dalka ay dhalinyarada joogaan kana shaqeeyaan hormarkiisa iyo sugida amnigiisa.

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Generaal C/Samad Cali Shire oo kulanka ka hadlay wuxuu sheegay in Dowlada hada ka arimisa Puntland ay xooga saartay hakinta dhalinta ku qulquleysa Tahriibta oo Maamulkaan wuxii ka horeeyey ay Tahriibto si xawli ah uga socdeen Puntland, Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay in dhulka Puntland Beero iyo Barwaaqo uu leeyahay balse dhalinyarada ay arintaasi ka indho la’yihiin isagoo ka dalbaday dhalinyarada in tahriibka ay ku bedelaan dal jacayl iyo wax qabad intii meelo kale lagu gumeysan lahaa.

 

Bilooyinkii ugu dambeeyey Deegaanada Puntland waxaa kusoo badanayay Dhalinyaro Tiro beel ah oo ka tahriibaya dalka iyadoo Wasaarada Shaqada iyo shaqaalaha ee Puntland ay ka gaabisay Martigelinta ,Waaninta, kala dagaalanka Tahriibta, uqabashada shir looga hadlayo aayaha Dhalinyarada,ay isku hawsho balse taasi bedelkeed wasaaradu ay ku mashquushay la xisaabtanka iyo baahi u gudbinta hay’ado Taak daran oo aan ka qayb qaadan Karin badbaadinta Dhalinyarada oo ah ubixii berito sida ay Dad badan aamin-sanyihiin.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles