Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20346

Madaxweynaha Puntland oo Markii ugu horeeyay la kulmay masuuliyiinta Xawaaladaha Puntland.

$
0
0

FarooleGaroowe (RBC RADIO) Kulankan oo ka dhacay Xarunta Ciidanka Asluubta Puntland ee Garoowe waxaa isku xog wareystay Masuuliyiinta Puntland iyo Madaxda Shirkadaha Xawaaladaha iyo iSgaarsiinta ee Puntland si looga wada hadlo arimaha la xiriira lacagaha Dalka laga diro iyo kuwa loosoo diroba waxaana kulankan soo agaasimtay Hay’ada UNODC ee QM u qabilsan Ladagaalanka Muqaadaraadka iyo Dambiyada.

Madaxweynaha Puntland Dr C/Raxmaan Faroole oo kulanka Daahfuray wuxuu xusay in Shirkadaha isgaarsiinta ee Dalka ka hawlgala ay adeegsan karaan kooxaha Argagixisada ah iyo kuwa Burcad-badeedka iyagoo lacago tira badan u Adeegsanaya Xawaaladaha wuxuuna taasi ku tilmaamay mid lidi ku ah Amaanka Dalka iyo Shacabka Reer Puntland hadii ay Arintaasi jirto.

Mudane Faroole wuxuu codsaday in Xawaaladaha Dalka iyo Shirkadaha isgaarsiinta ee lacagaha kala Xawila ay Amaanka kala Shaqeeyaan Dowlada ayna ogaadaan Lacagaha badan qofka diraya halka uu u dirayo iyo Sababta keeni karta in Lacag badan uu diro taasoo sababikarta in uu yaraado ama laga hortago in Kooxaha Argagixisada ama Burcad-Badeedka ah ay sidey doonaan u isticmaalaan Xaawaaladaha Dalka.

Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay in Burburkii Dalka ka dib xakameynta Dhaqaalihii Dalka uu Hoos u dhac ku yimid oo sidii la doono laga yeesho lacagaha dalka laga diro ama kuwa loosoo diro isagoo sheegay in taasi ay u baahan tahay ilgaara in lagu hayo, Madaxweynuhu wuxuu kaloo QM ka codsaday in aan Xawaaladaha Soomaalida Xanibaad la saarin Maadaama ay bulsha badan oo dan yar ah ay ku Xiranyihiin Lacagaha ay dadkooda dibadaha uga soo diraan. Kulankan oo socondoona mudo 3 Maalin ah ayaa la filayaa in ay kasoo baxaan qodobo muhiim ah oo looga hortago hadal haynta badan ee tuhunka keenay si loo hubiyo lacagaha baxa iyo kuwa soo gala Xawaaladaha Dalka ka hawlgala.

Ibrahim Wadani

RBC RADO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20346

Trending Articles