Muqdisho{RBC Radio} Gudoomiyaha cusub ee shalay Madaxwaynaha Jamhuurida fadaraalka Soomaaliya uu u magacaabay gobolka Galgaduud ayaa maanta shir jaraa’id ugu qagtay warbaahinta magaalada Muqdisho,wuxuuna kaga hadlay qoshaha maamulkiisa kaga aadan wax ka qabashada gobolkaas.
Xuseen Cali Weheliye Cirfo ayaa sheegay in gobolka galgaduud uu ka hirgelinaayo mashruucyo badan oo uu Madaxweynaha Soomaaliya balan qaaday markii uu ku guuleeystay xilka Madaxtinimada,kuwaas oo ay ka mid ahaayeen hirgelinta hay’adaha dowliga ah,sugida amaanka,iyo Hormarinta adeegyada Bulshada Gobolada dalka.
“Waxaan xooga saari doonaa xasilin iyo adkaynta nabad galyada dhamaan deegaanada hoos yimaado gobolka,waxaan ku dadaali doonaa dhismaha iyo hiirgelinta adeegyada lagama maarmaanka ah,sida cadaalada,caafimaadka,wax barashada,nadaafada,biyaha,iyo korontada,ayuu yiri gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Galgaduud.
Cirfo oo sii wato hadalkiisa ayaa tilmaamay in ay samayn doonaa abuurista ilo dhaqaale,qaadista lacagaha canshuuraha ah,waxaan isku dayi doonaa inaan fulino Shantii qodob ee uu madaxweynaha Jamhuuriyada Fedaraalka Soomaaliya balan qaaday,kuwaas oo kala ahaa Ceel,iskuul,Saldhig boolis,Rug caafimaad, iyo xarun Degmo.
Gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Galgaduud ayaa sidoo kale ka halay xalinta qilaafyada u dhexeeya dadka waxaan abaabuli doonaa shirar dib u heshiisiin oo dhexmara dadka deegaanka oo dhan, kuwa gobolka iyo ku dariska la’ah gobolka Galgaduud, maadaama uu gobolku ku soo jiray mudo dheer dowlad la’aan laga dhaxlay dhibaatooyin fara badan.
Xuseen Cali Weheliye Cirfo ayaa Dekreeto shalay kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha dalka Soomaaaliya loogu magacaabay gudoomiyaha gobolka Galgaduud
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho