Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden oo maanta deeq gaarsiisay Naafada ku nool G/Hiiraan

$
0
0

baladMuqdisho {RBC Radio} Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden ayaa maanta deeq gaadiid ah oo ay ugu talagasay in ay ku socdaan dadka  naafada ah ee ku dhaqan  magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan halkaas gaarsiisay.

Xasan Ibraahin oo ahaa qofka  ay soo wakiisheen  jaaliyadda Soomaaliyeed ee soo dhiibtay gaadiidkaasi ayaa sheegay in ay jaaliyadu ugu talagashay  naafada ku nool magaalada Beldweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ,  isaga oo baaq u diray  jaaliyadaha kale ee ku dhaqan dunida dacaladeeda iney ku daydaan jaaliyadda Sweden oo dib u soo xusuustay walaalohooda cuuryaamiinta ah ee ku dhibaateysan gobolka Hiiraan

Qaar ka tirsan naafadii deeqda la gudoonsiiyey  oo la hadlay Warbaahinta ayaa muujiyey  sida ay ugu faraxsanyihiin gaadiidka loogu deeqay,  waxayna baaq u direen jaaliyadaha kale ee Soomaaliyeed iney  iyagune ku daydaan Jaaliyadda degen dalka Sweden ayna  dhankooda ka taakuleeyaan maadaama ay Lixaadka beeleen aysana awoodin iney shaqaystaan.

Deeqdan gaadiidka Curyaamiinta  ah ee ka timi   jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sweden ayaa kusoo beegantay xilli ay naafada ku dhaqan magaalada Beledweyne baahi weyn u qabeeen.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay wuxuu baaqyo is daba joog ah u dirayay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee kasoo jeeda gobolkaas  iyo Hay’adaha gargaarka in ay wax u qabtaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan gobolkaasi Hiiraan.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles