Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhaliilay dowlada qaabka ay u wajahday sugida amniga Muqdisho

$
0
0

cabdi samadMuqdisho{RBC Radio}Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya,horana u soo noqday wasiirkii amaanka qaranka dowladii ku meelgaarka ahayd ee uu madaxwaynaha ka ahaa Shariif shiikh Axmed ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in xiligaan ay dowladu dhagxaan ku xirto qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee muqdisho.

C/samad ayaa sheegay in ay taasi wax yeelo u gaysanayso isku socodka shacabka ku nool Muqdisho wuxuuna tilmaamay in ay hada magaalada Muqdisho ay  u baahantahay in ay amnigeeda sugaan ciidamada qalabka sida ,aysan waxba soo kordhineen in dhagxaan lagu gooyo qaar ka tirsan wadooyinka muhiimka ah ee Caasimada dalka.

Xildhibaanka ayaa xusay in dowladu ay hayso ciidamo ku filan amniga Muqdisho kuwaas oo kabadan intii ay hore u ahaayeen xiligii ay Shabaab Muqdisho ku sugnaayeen, wuxuuna sheegay iney ku filan yihiin xaqiijinta nabadgalyada magaalada Muqdisho.

“in amaanka caasimada lagu adkeeyo dhagxaan waxba sooma kordhinayso,markii qaar ka mid ah wadooyinka waawayn ee Caasimad lasoo dhigay Dhagxaanta,magaalada ayaa u ekaanayso goob dagaal,waxayna keeneeysaa taasi in ay dadku cabsi ka muujiyaan maritaanka wadooyinka,waa in wadooyinka u xiran dowlada ay dib u furtaa”ayuu yiri C/samad Macalin Maxamuud.oo ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo baaq u jeediyay laamaha ammaanka qaranka  ayaa kula taliyay in ay bedelaan qaabka ay hada wax u wadaan ayna shacab Soomaaliyeed kala kaashadaan sugida amniga,wuxuuna tibaaxay in hadii laamaha amniga iyo shacabku ay iskaashadaan in la gaari doono isbedel dhanka amniga ah ah oo deg deg ah sida uu sheegay.

warka kasoo baxay xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud ayaa ku soo beegmaya xilli uu maalmihii u danbeeyey  sii xumaanayey ammaanka  magaalada Muqdisho ee xarunta  dalka soomaaliya.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Trending Articles