Nairobi{RBC Radio} Agaasimihii hore ee hay’adda nabad sugidda qaranka Soomaaliyeed Axmed Macalin Fiqi oo waraysi siinayey Wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday iney sanadkii 2011kii heleen Macluumaad ku saabsanaa shirqool ay alshabaab ku doonayeen iney ku khaarajiyaan madaxda sar sare ee dalka Kenya kuwaas oo markaas ka mid ahaa dadka ugu cad cad ololihii doorashada madaxtinimo ee dalkaas ka socday xiligaas.
Axmed Macalin Fiqi ayaa wargeyska u sheegay in hay’adda nabad sugidda Soomaaliya ay heshay sirta la xiriirta qorshaha alshabaab ee ku aaddanaa dilka musharixiintii u taagnaa doorashada madaxtimo ee Kenya oo kala ahaa Uhuru Kenyatta oo hadda ah madaxweynaha Kenya iyo Raila Odinga R/wasaarihii hore ee dalkaas kaasoo doorashada kula loolamay madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Kumbiyuutar nuuca gacanta ah oo laga helay gaarigii uu watay Cabdalla Fasuul kadib markii ay toogteen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya laga helay macluumaad fara badan oo la xiriira qorshayaal ay alshabaab weeraro kaga geysan rabeen gudaha Kenya,wuxuuna tilmaamay in qorshaha weerarkaas oo loogu talagalay iney fuliyaan amniyaadka alshabaab,lana doonayey in la fuliyo weerarkaas bartamihii sanadkii 2012ka.
Weerarkaas ayuu Fiqi sheegay in hadii uu alshabaab u meelmari lahaa uu ku daadan lahaa dhiig badan,isla markaane khasaaro ba’an gaarsiin lahaa dalka Kenya,wuxuuna xusay in macluumaadka ay heleen uu muhim u yahay wadamada gobolka sida uu hadalka u yiri.
Alshabaab ayaa wacad ku maray iney beegsan doonaan Kenya tan iyo wixii ka danbeeyey markii ay ciidamada Kenya kasoo tallaabeen xuduudka kala qaybiyada Soomaaliya iyo Kenya xiligaas oo Kenya ay ku dhawaaqday dagaal alshabaab ka dhan ah kadib markii ay ku eedeysay alshabaab iney qatar ku yihiin amniga gudaha Kenya.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho