Nairobi{RBC Radio}Dowladda Kenya ayaa iska fogeysay in ciidankeedu ay qabsadeen dalka Soomaaliya,xildhibaan Ilyaas Barre Shiil oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka dalka Kenya ee laga soo doorto gobolka Waqooyi bari dalkaas ee ay Soomaalidu dagto ayaa sheegay in Kenya aysan dooneen iney qabsato dhulka Soomaaliya.
Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaas ku yeesheen Siyaasiyiin ay ka mid yihiin R/wasaarayaashii hore ee dowladihii kumeelgaarka ahaa ee dalka Soomaaliya iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.
Ilyaas Barre SHiil ayaa sheegayin hadafka ciidanka Kenya ay u galeen gudaha Soomaaliya uu ahaa iney xididada usiibaan kooxda xagjirka ah ee alshabaab sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna meesha ka saaray wararka sheegaya in ujeedka Kenya uu yahay iney qabsato gobolada Jubooyinka ee dalka Soomaaliya.
Wuxuuna ku tilmaamay borobogaandho la faafiyey wararka tilmaamaya in Kenya ay wadato ujeedo qarsoon oo salka ku haysa dhul balaarsi isla markaane ay dooneyso qabsashada dhulka Soomaaliya,wuxuuna ku celceliyey in ciidanka Kenya ay caawinayaan dowladda federaalka Soomaaliya isla markaane ay shacabka Soomaaliyeed ka difaacayaan alshabaab.
Hadalka xildhibaanka ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa imaanaya iyadoo dowladda Kenya lagu eedeynayo iney qabsatay dhulka Soomaaliya isla markaane ay wadato ujeedooyin u gaara oo ka baxsan Maandhaydka ciidanka nabad ilaalinta AMISOM ee ay qaybta ka tahay.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho