Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Galgaduud oo nasiib darro ku tilmaamay habka loo maray xilka qaadistiisa

$
0
0

ciyowMuqdisho{RBC Radio} Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Galgaduud  Axmed Xasan Ciyow oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday inuusan ka war hayn xilka qaadista lagu sameeyey,wuxuuna tilmaamay inuu Saxaafadda oo kaliya  ka maqlay warka sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyey.

Axmed Xasan Ciyow ayaa ku tilmaamay ayaan darro in iyada oo aan la wargalin xilka laga qaado,wuxuuna ku dooday inuu xaq u lahaa in lala socodsiiyo hadii ay dowladdu dooneyso iney xilka ka xayuubiso,wuxuuna carrabka ku adkeeyey in hannaanka xilka looga qaaday uusan ahayn qaab sharci ah oo waafaqsan shuruucda dowliga ah.

Ciyow ayaa dhanka kale sheegay inuu diyaar u yahay wareejinta xilka gudoomiyenimo ee gobolka Galgaduud hadii ay dadka deegaanku raali ka yihiin gudoomiyaha cusub ee la magacaabay sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna ku celceliyey inuu isagu markii horaba ku yimi rabitaanka bulshada gobolkaas sida uu sheegay.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Galgaduud Axmed Xasan Ciyow ayaa iska fogeeyey inuu xilka ku dhaggan yahay,wuxuuna xusay inuusan xilkaas xoog ku haysan,balse ay wanaagsaneed in wadada saxda ah loosoo maro xilka qaadistiisa.

Shalaya ayaa Dekereeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan SH Maxamuud waxaa gudoomiyaha gobolka Galgaduud loogu magacaabay Xuseen Cali Wehliye Cirfo,arintan ayaa qayb ka ah isbedello ay dowladda federaalka Soomaaliya ku samaynayso maamulada gobolada dalka.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles