Muqdisho{RBC Radio} Gudi ay dowladda federaalka Soomaaliya u saartay iney soo baaraan xasuuq ay ciidamada AMISOM ka geysteen deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku eedeeyey ciidanka AMISOM iney diideen wax u qabashada dadkii ay dhibaateeyeen.
Siyaasiga Cabdi Xaashi C/llaahi oo ka tirsan gudiga ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay qirteen masuuliyadda gumaadkaas,balse waxa uu tilmaamay in AMISOM ay si cad u diiday iney wax magdhow ah siiso ehelada dadkii ay ku laysay deegaankaasi Leego.
Cabdi Xaashi ayaa tibaaxay in ciidanka AMISOM ay bixiyeen lacago yar oo tacsi ah sida uu sheegay oo ay siiyeen odayaasha deegaanka ay dhibaatada ka geysteen,waxayna kaloo ballan qaadeen ciidanka AMISOM sida uu Cabdi Xaashi sheegay daaweynta dadka ku dhaawacmay weerarka ay AMISOM ku qaadeen Carruur yaryar oo ku sugnaa dugsi Qur’aan ay dhiganayeen halkaas oo ay ku geeriyoodeen 7 ruux oo Carruur u badnaa.
Xubintan ka tirsan gudiga loo xilsaaray iney soo baaraan dhibaatada ay AMISOM ka geysatay deeganka Leego ayaa ku baaqay in cidanka AMISOM maxkamad lasoo taago lagulana xisaabtamo tacadiga foosha xun ee ay u geysteen dadka rayidka ah ee ay xasuuqeen.
Wuxuuna ku dhaliilay dowladda federaalka oo uu sheegay iney ka gaabisay wax u qabashada dhibanayaasha Soomaaliyeed,wuxuuna ku booriyey in dowladdu ay qaadato masuuliyadeeda ayna ciidanka AMISOM la xisaabtanto isla markaane ay daweyn dibadda ah u raadiso dadka ku dhaawacmay weerarka AMISOM oo xiligan ku dhibaataysan Cisbitaalada Muqdisho gudaha dalkane wax looga qaban waayey.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho