Gaalkacyo [RBC Radio] Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa soo gaarey xildhibaan Cabdibare Yuusuf Jibriil oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya lagana soo doorto deegaanadda Puntland.
Xildhibaanka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ku soo dhaweeyay xubno masuuliyiinah ,daladda Dalhadhso iyo qaybaha bulshada.
Xildhibaanka ayaa guddaha magaaladda warbaahinta shir saxaafadeed ugu qabtey kaga hadley arrimo dhor ah .
Waxaa uu soo hadal qadey inuu socdaalkiisa uu ugu weyn yahay maadama uu fasax galey baarlamaanka Soomaaliya inuu soo aado deegaankii laga soo doortey isla markana kasoo wardoono sida ay xaladeedu tahay.
Xildhibaan Cabdibare waxaa kalo uu hadalkiisa kusoo qadey inaysan jirin xildhibaano loo so direy inay dhex dhaxaadiyan dowladda faderaalka iyo Puntland ,dowladda ayuu xildhibaanku ugu baaqey inay soo dirto guddi soo af jara khilaafka sii xoogeysanaya ee ka dhexeya DFS iyo Puntland.
…”"”Anigu Puntland uma imaan in an wada xaajod ka dhex bilaabo dowladda iyo maamuladda mana maqlin wax xildhibaano ah oo ay dowladdu soo wakilatey oo wada hadal halala furo ay tiri Puntland,balse waxan ku baaqaya in dowladdu ay guddi usoo dirto deegaanada xiligaan uu khilaafku kala dhaxeeyo oo ay Puntland ugu weyntahay kuwasao loo xilsaaro inay soo afjaran mugdiga soo kala dhexeyo maamuladda waxana xiligaan dowladda dhankeeda ka muuqata inay ka gaabisey inay xaliso waxa ay katabanayan maamuladda dalka ka jira ….”"“ayuu yiri xildhibaan Cabdibare.
Sidoo kale waxaa uu xildhibaanku uu sheegey bal aragtidiisa ku aadan eedenta soo noqnoqotey ee Puntland ay dowladda faderaalka ku eedeyso inay wax laga badalay dastuurkii dalka,waxan uu sheegey in sida ay Puntland sheegtey in waxbadan laga badaley dastuurkii uyaley dalka.
Sidoo kale waxaa uu sheegey xildhibaanku inaysan dowladda hadda jogta ka dharagsaneen dastuurka dalka u yaala,waxana uu si cadd u sheegey inuu qabo inaysan dowladda hadda jirta ee madaxweyne Xassan Sheekh inusan lug ku laheyen wax kabadalka dastuurka taasina ay caddeyn utahay sida uu sheegey in xukuumada xiligan jirta lugu khiyaamey oo sharci ahan dastuurku uu dhigayo in 5-sano ay hogaanka dalka heyso balse hadda 4-sano looga dhigey.
…”"”Waxaad mooda in xukuumada xiligan jirta ee madaxweyne Xassan Sheekh iyo R/wasaare saacid aysan kaba dharagsaneen dastuurka,waayo waxan isleyahay wax lug ah kumaleh wax kabadalka lugu sameeyo taasna waxaa mujineysa in iyaga xata lugu khiyaaney oo hogaan ay lahayeen 5-sanno in 4-sanno looga dhigey,taaso caddenaysa in waxkabadal lugu sameeyey dastuurka waxaa eeddeeda qaadaya waxkabadlka dastuurka lugu sameeyey wasiirkii hore ee dastuurka Soomaaliya xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil isaga gacanta ku hayaye,waxana dowladda ugu baaqaya inay guudi dhex dhexad ah sameeyo ka soo baara wax kabadalka lugu sameeyey dastuurka….”"“ayuu yiri xildhibaan Cabdibare.
Xildhibaan Cabdibare waxaa uu sidoo kale ugu baaqey dowladda inay soo gaba gabeyso madmadoowga ay iyadu ku legledahay ee kala dhaxeeya maamuladda dalka ka jira.
Waxaa uu sheegey inuu kulamo laqadan doono madaxda ugu sareyso ee Puntland oo uu ka mid yahay madaxweyne Faroole,xiliga uu tago magaaladda Garoowe ee caasumada Puntland.
…”"Waxan la kulmi doona madaxda sare ee dowladda Puntland iyo waxgaradka kale ee reer Puntland si an wax uga ogaado xaaladda ka jirta Puntland…”"“ayuu yiri xildhibaanku.
Ugu danbeenti su’aal uu weydiyey wariyaha Raxanreeb.com oo ku aadaned bal waxa uu udirayo maamulada dalka ee xiligan ka biyadiidan hanaanka dowladda,waxan uu sheegey inuu ugu baaqayo inay wax walba wanag iyo talo ku raadiyan.
Socdaalka uu Puntland ku soo gaaray xildhibaan Cabdi Barre ayaa imaanaya xili Garoowe ay ku sugan yihiin todobo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, oo iyana soo gaaray Puntland dhawr maalin ka hor.
Hoos ka daawo shirkii jaraa’id ee xildhibaanka oo ay si muuql ah idin kusoo diyaarisey Raxanreeb.com.
__________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo