Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

DEG DEG Madaxawaynaha Soomaaliya oo Gudoomiye cusub u magacaabay gobolka Galgaduud

$
0
0

madaxweynaha

Muqdisho{RBC Radio}Dekereeto uu soo saaray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan SH maxamuud ayaa Xuseen Cali Wehliye waxaa loogu magacaabay gudoomiyaha cusub ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya,Dikereetada lagu magacaabay gudoomiyaha Galgaduud  oo nuqul kamid ah ay heshay warbaahinta Raxanreeb.com ayaa sidan u qornayd.

 

Xeer Madaxweynaha Lr.93

Magacaabid Guddoomiyaha Gobolka galgaduud

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya

Markuu Arkay: Qodobada 87aad, Xarafka “C” Qodobka 90aad, Xarafka “K” iyo 99aad,

Xarafka “G” Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Markuu Arkay:- Soo jeedinta Wasiirka Arrimaha gudaha & amniga qaranka warqadda Lr.

                             WAG&AQ/XW/00310/13 ee July 13, 2013.

Markuu Ogaaday: In ay dhamaatay mudadii ku-meel gaarka ahayd ee Guddoomiyenimada

Gobolka Galduud uuna Gobalka u baahanyahay Maamul rasmi ah.

Markuu Tixgeliyay:  Inay jirto in baahi loo qabo in la billaabo dhisidda Maamul u sameynta

Gobolada iyo Degmooyinka si looga sii ambaqaado mustaqbalka inay

Dhismaan Dowlad-goboleedyada.

 

Madaxweynuhu waxa uu soo saaray Xeerkan

Qodobka 1aad

Waxa uu Madaxweynaha jamhuuriyadda Ansixiyay laga bilaao maanta oo ah 27/7/2013 in uuMudane Xuseen Cali Wehliye noqdo Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud

Qodobka 2aad

Wuxuu xeerkan dhaqan gelayaa si deg deg ah maalinta uu madaxweynaha saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa faafinta rasmi ah ee Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Magacaabista gudoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa kusoo beegmaysay xilli masuuliyiinta maamulka ahlu sunna ay ka digeen in gudoomiyaha gobolkaas ay dowladu usoo magacawdo Shakhsi aysan aan rabitaankooda ku imaan.

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles