Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dhammeystirka xubnaha ka harsan maamulka Jubbaland oo dib loo dhigey iyo wafti kasocdey IGAD oo gaaray Kismaayo

$
0
0
Afhayeenka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar

Afhayeenka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar

Kismaayo[RBC Radio]Galinkii hore ee maantey waxaa lugu wadey in magaaladda Kismaayo looga dhawaaqo xubnaha ka hartey maamulka Jubbaland balse arrinta ayaa dib u dhacdey,taaso ka dhigeysa in markii saddexad dib loodhigey dhammeystirka maamulka Jubbaland.

Afhayeenka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar oo warbahainta guddaha lahadley ayaa xaqiijiyey in dibu dhac uu ku yimiid in maantey la soo dhamestiro maamulka Jubbaland,oo illaa xiligan ay magacaabanyihiin oo kaliya madaxweynaha iyo kuxigeenkisa.

Muddo 10-maalin ah ayaa la caddeyey in dib loo dhigi doono in lugu dhawaaqo xubnaha ka dhimaan maamulka oo ay ka mid yihiin gollaha wasiiradda,baarlamaanka iyo xubnaha kale ee maamul leyhaay oo xiligan looga fadhiyo Jubbaland inay yeelato.

…”"”Maantey waxaa markii saddexad dib loo dhigey in madaxweynaha uu soo dhamestiro maamulka oo uu ku dhawaaqo xubnaha ka dhiman,balse ma aysan dhicin maantey oo waxaa markale lugu balamey 10-bari kadib in la magacaabo…”"”ayuu yiri Seeraar.

Afhayeenka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar ayaa waxaa uu sidoo kale hadalkiisa ku soo qadey in arrintan dibu dhaca ay timid kadib markii ay Kismaayo soo gaaren wafdi ka socday IGAD kuwaaso kulan la qaatey madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

…”"”Dibu dhaca waxaa uu yimid kadib markii ay magaaladda Kismaayo soo gaaren wafti kasocda IGAD,waftigaan waxay kulan muddo socdey la qaaten madaxweynaha oo ay isla soo qaden arrimo dhor ah oo ay ka mid yihiin dhamestirka maamulka …”"”ayuu yiri Seeraar.

Ergadii dhistey maamulka Jubbaland oo labo mar hore waqtiga u kordhisey madaxweyne Axmed Madoobe

Ergadii dhistey maamulka Jubbaland oo labo mar hore waqtiga u kordhisey madaxweyne Axmed Madoobe

Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD ee maanta gaaray magaalada Kismaayo waxaa hogaaminayey Generaal Gabra,waxana ay kulan ballaaran la qaaten madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Kulanka ay wada qaaten madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo waftiga ka socdey IGAD waxaa la sheegey inay isla soo qaden qodobo dhor ah oo ay ugu muhiimsaned sidii xiligaan loo so dhamestiri laha maamulka Jubbaland.

Sidoo kale waxaa maantey ku eked muddo dhawan ay uqabteen madaxweynaha Jubbaland inuu kusoo dhamestiri maamulka Jubbaland ergooyinka soo dhisay maamulka Jubbaland kuwaso horey labo mar waqti kordhin usameeyey Axmed Madoobe inuu kusoo dhamestiro.

Si kastaba waxaa laga dhursugaya sida uu ka yeelo madaxweynaha Jubbaland muddo 10-bari ah ee lagaga dhowrayo inuu kusoo dhamestiro maamulkiisa.

______
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles