Qardho[RBC Radio] Xafladani oo ay soo qaban qabiyeen Ardayda wax ka barata Jaamacadaha Masar iyo Raabidada ka qalin jabiyaasha adduunka Jaamacadda Al-Azhar ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxweynihii hore Dowladda Puntland Gen: Cadde Muuse Xirsi,Gudoomiyaha Gobolka karkaar C/qur’aan Maxamed Aadan,Gudoomiyaha Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise Hogamo,Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Puntland,Nabadoonada Gobolka karkaar,Maamulayaahsa Dugsiyada Sare, Madax ka socotay Jaamcadda Bariga afrika,Dhalinyarada Magalada Qardho,madaxda Ururada Haweenka Degmada Qardho, Madaxda hey’adaha Maxaliga iyo marti sharaf kale oo aad u badan.
Intii ay socotay xafladaani ayaa abaalmarino kala duwan la siiyey madaxda Gobolka kan degmada,Mas’uuliyiinta Ururada,ardayda kaalmaha ka gashay Jaamacadda bariga afriga,dugsiyada Sare ee Qardho iyo Cabdiraxman maxamed Cali (Black) oo ka mid ah dhalinyarada inta badan ka shaqeysa Hormarka.
Yusuf Cismaan Xaaji Mire oo ka mid ah ardayda ka timid Dalka Masar ayaa ugu horeyntii ka hadalay Xafladdani waxa uu sheegay Ujeeda ay u qabteen xafladaani in ay tahay dhiiri galinta ardayda wax kabarta dugsiyada Sare iyo kuwa dhameeyey si ay waxbarashadooda u sii wataan,waxa uu tilaamay in ay ka shaqeenayaan is dhexgalka ardayda waxka barata Puntland, in ay doonayaan in dadka ku abuuraan wadaniyad si qofwalbo ka shaqeeyo maslaxadda guud halka si gaar ah uu wax u qabsanlahaa.
Sidoo kale Yusuf Cismaan Xaaji Mire ayaa sheegay in mararbadan la yiraahdo ardayda masar ee ka tagta Qardho in aysan waxba qaban laakiin maanta qof walbo in uu arki karo dadaalka ay wadaan ardaydaani iyo sida ay u qabanayaan Barnaamijyada kala duwan taasina waxa ay ku tusineysaa in ardayda waxkabarta Masar ee ka soo jeeda Qardho in ay ka go’antahay hormarinta waxbarashda iyo arimaha Bulshada.
Maxamed Cawad oo ka mid ah Ururka Raabida ka qalin jabiyaasha Jaamacadda Alazhar ayaa ka hadlay waxyaabaha uu qabto Ururkaasi waxa uu sheegay in Ururkaani loo dhisay in ay dhiiri galiyaan ardayda dhameysata Dugsiyada sare si ay u doortaan kulyado ku haboon mustaqbalkooda,ururka waxa uu gabdhaha ku dhiirigaliyaa in ay dhameystaan waxbarashadooda illaa heerjamaacadadeed,Ururka waxa uu qabtay in sanadkaani wax baray haween ku dhow boqol oo ka faa’idwystay waxbarasho lacag la’aan ah ay u fidiyeen.
Madaxweynihii hore Dowladda Puntland Gen Maxamuud Muuse Xirsi Generaal Cadde Muuse ayaa waxa uu sheegay in dalka masar ay ugu mahadcelinayaan Deeqaha waxbarashda ay siiyaan ardayda dhameysta Machadka Al-azhar ,waxa uu sheegay in magalada Qardho ay aheyd magaalo waligeed tacliinta u horeysa,waa magaaladii tacliinta waana layaqaanaa wixii ay qaban jirtay waana la ogaa odayaal culama’udiin,Gabdhaha kuli dadka ku nool magalada Qardho waxa ay ka shaqeeyaan nabadgalyada.
Gudoomiyaha Degmada Qardho Maxamed SIciid Ciise Hogamo aya amaanay cid walbo oo ka qeybqaadatay qabsoomida xafladaani,waxa uu sheegay in Qardho sanadkaan ay guulo lataabankaro ay ka keentay Tartamadii ay gashay,hadii ay ahaan lahaayeen Tartankii Qu’aan akhriska,kediskii ka baxay Idaacadda Maxaliga waxaana aman leh ardaydii isku xilsaartay in ay dadaalkaas muujiyaan.
Caabdiladiif xuseen Cali oo ka mid ah maamulka Dugisga al-azhar ayaa sidoo kale ka hadlay xiliyadii la aasaasay Machadka Al-azhar Qardho,waxa uu tilmaamay tan iyo markii la furay ay wax ka barteen dad badan oo haataan xilal sare haya,Machadka Al-azharna laga dareemayo in dadaal badan in ay wadaan Macalimiinta Masaarida iyo mamulyaasha si ardayda loo gaarsiinlahaa heer wanaagsan oo ay ka muuqdaan marka ay tagaan jaamacaddaha Masar,taasi waxa ay ku imaankartaa in la sii xoojiyo dadaalada ay wadaan macalimiinta iyo maamulka.
Ururka ka qalin jabiyaasha Jaamcadda Alazhar ayaa tan iyo marki si rasmi ah xafiiskeeda guud ee Puntland loogu furya Magalada Qardho 7-2-2013 waxa ay tababaro iyo kulamo kala duwan waxa ay ku qabatay magalaalooyinka waaweyn ee Puntland,waxa ay waxbrasho lacag’aan u fudiyeen boqolaal haweenka Qardho,waxa ay qabteen Tartamo kubadda cagta tababarao kala duwan oo lagu dhisayo dhalinyarada,Muxadarooyin diini ah waxa ayna sheegeen mas’uuliyiinta Raabidada in qursha ay ugu jirto sdii wax loog abadali laha aheerka waxbarashda Dhalinyarada Puntland.