Muqdisho (RBC) Waxaa shalay markii ugu horreysay dib u helay xorriyadiisa wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim “Koronto” oo mudo labo bilood iyo 7 maalmood u xirnaa xeer ilaalinta iyo booliska dawlada federaalka Soomaaliya.
Siideynta wariyaha ayaa ku timid kadib markii maxkamadda sare ay sheegtay in aanu caddeyn eedeymihii lagu soo oogay wariyaha ee loo cuskaday xarigiisa, sidaasi darteedna dib loogu celiyo xorriyadiisa. Gudoomiyaha maxkamadda sare Caydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf oo shalay xukunka lagu siidaayey wariye Cabdicasiis ku dhawaaqay ayaa sheegay in illaa hadda eedeymaha la sheegay in loo heystay wariyaha aysan noqon karin eedeymo qof lagu xabiso, wuxuuna buriyey xukun xarig lix bilood ahaa oo 3-dii Maarso 2013 lagu xukumay wariyaha.
Sidee u dhacay xukunkii shalay?
Xarunta maxkamadda sare hool weyn oo ku yaalla ayaa waxaa marklii ugu horreysay shalay loo furay si loogu dhageysto codsi rafcaan ahaa oo uu qaatay qareenkii u doodayey wariye Cabdicasiis oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Afrax. Fadhiga maxkamadda waxaa gudoominayey guddoomiyaha maxkamadda sare Caydiid Ilkaxanaf, waxaa kaloo goobjoog ka ahaaxeer ilaaliyaha guud ee Qaranka C/qaadir Maxamed Muuse oo ahaa ninkii soo oogay eedeynta ka dhanka ah wariyaha.
Qareenkii u doodayey Cabdicasiis ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday inuu maxkamadda hor keenay dacwad rafcaan qaadasho ah oo uu ka soo qaatay xukunkii dhacay 3-dii Maarso 2013 kaasoo maxkamadda rafcaanka ee gobolka Banaadir ay mudo lix bilood ah ugu xukuntay wariyaha.
Xeer ilaaliyaha guud C/qaadir Maxamed Muuse oo isaguna hadalka qaatay ayaa si layaab leh isu bedelay intii lagu jiray maxkamadda wuxuuna sheegay in dhammaan eedeymihii loo heystay wariyaha iyo xukunkii lagu riday aan loo helin cadeymo ku filan oo ka marqaati kici kara in wariyuhu dembiile yahay.
Xeer ilaaliyaha wuxuu kaloo goobta ka sheegay in xariga wariye Cabdicasiis uusan ku fadhin daliil cad iyo eedeyn muuqata sidaasi darteedna uu ka codsanayo maxkamadda sare inay go’aan ka gaarto.
Dad badan oo maxkamadda joogay ayaa dhegaha taagay markii xeer ilaaliyihii eedeymaha ku soo oogay wariyaha ee mararka qaarna isaga laftiisa ku gaari jiray go’aanada iyo xukunada lagu riday wariye Cabdicasiis inuu maanta maxkamadda horteeda ka sheegtay inuusan heyn wax cadeyn ku filan in qof loo xabiso!!
Markay dooda halkaa mareyso, ayaa waxaa dibadda maxkamadda uga baxay gudoomiyaha maxkamadda sare, ku xigeenadiisa, xeer ilaaliyaha iyo caawiyaashiisa waxayna tageen qol yar oo maxkamadda dhexdeeda ku yaalla. Waxay dib u soo laabteen qaddar toban daqiiqo gudahood ah.
Isla markiiba waxaa miiska garaacay gudoomiyaha maxkamadda sare Caydiid Ilkaxanaf oo bilaabay inuu akhriyo xukun uu warqad ku soo qortay. Wuxuuna u akhriyey sidan. AMA HALKAN KA DHAGEYSO
“Bismillaahi Raxmani Raxiim, Magaca Ummadda Soomaaliyeed,.. Maxkamadda sare ee dalka, qeybteeda Ciqaabta oo ka kooban Caydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf, C/risaaq Maxamed Cali iyo Sheekh C/raxmaan, waxay u fariisatay dacwad ciqaab ah oo ka dhexeysa C/casiis Cabdinuur Ibraahim oo uu qareen u yahay Maxamed Maxamuud Daqarre iyo C/kariin Xasan Gorod.
Maxkamadda sare waxay jebisay xukunkii Maxkamadda Rafcaanka ee Summadiisu ahayd 2/2013 buugga dacwadda ee 3/03/2013 dhacay. Waxay xorriyadiisa u celisay Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim iyadoo raaceysa Qodobka 233 (BEA) ee Xeerka Ciqaabta Madaniga ee tilmaamaya qodobada ama sharciga u fasaxaya Maxkamadda Sare in xukun haddii ay u aragto inaanu hagaagsaneyn inay jebin karto. Maxaa yeelay markii horeba lama cadeyn in dembi dhacay, mana noqon karto dembi in la yiraa “rag ku lebisan dharka ciidanka ayaa wax kufsaday” loolamana jeedo oo taasi micneheedu ma ahan in ciidamada dawlada ayaa kufsiga geystay.
Waxay Maxkamadda Sare xukuntay inaaney jirin wax xuquuq ah ama magdhow ah oo loo raaci karo wixii kadhacay dacwadan ama ku saabsan dacwadan hay’adihii qaranka, haddey tahay boliis, haddey tahay xeer ilaalin, iyo haddey tahay maxkamad midkoodna, maxaa yeelay lama caddeyn mana muuqato in niyad xumo ay u sameeyeen ee waxay u muuqataa in iyagu (xeer ilaalinta, booliska iyo garsoorka) si kastaba aqoontu ha noqotee inay shaqadooda qabsanayeen, taa wax loo raaci karo oo dembi ah loo qaadi karo ama magdhow kale ama wax kale oo hay’adihii qaranka la weydiisan karaa ma jiraan”.
Marxaladihii uu soo maray kiiskan
- 10 Jannaayo 2013 waxay booliska dembibaarista CID xireen Luul Cali Cismaan Barake oo ay kufsadeen shan nin oo hubeysan oo tuutaha ciidamada sita. Isla maalintaas waxay ciidamadu xireen wariye Cabdicasiis Koronto oo lagu eedeeyay inuu wareystay gabadhaasi.
- 11 Jannaayo 2013 waxay isla booliska Dembibaaristu xireen Muxyidiin Sheekh oo ahaa ninkii qabay gabadhaasi dhibanaha ah ee la kufsaday, haweeney kale oo ay qaraabo ahaayeen Luul iyo nin kale oo ay deris yihiin.
- 11 Jannaayo 2013 oo ahayd maalintii ku xogtay maalintii la xiray wariyaha wsxaa hadlay taliyaha laanta dembibaarista Jen C/laahi Xasan Bariise, wuxuuna sheegay in wariyaha loo heysto warbixin been ah oo lagu daabacay website-ka Al Jazeera taasoo ku saabsanayd kufsi haween barakacayaal ah loogu geystay magaalada Muqdisho. Isla maalintaas Jen Bariise ayaa idaacadda Dawlada ka sheegay inay heleen 11 kufsi oo ka dhacay Muqdisho ayna baarayaan.
- 16 Jannaayo 2013 waxaa shir jaraa’id ka soo muuqday taliyaha booliska Jen Shariif Sheeukhna Maye oo ay dhinac taagan tahay haweeneyda la soo xiray ee kufsiga horey loogu geystay. Haweeneyda iyadu ma hadlin laakiin taliyaha booliska ee ag taagnaa ayaa sheegay in gabadhaasi wax kufsi ah aan loo geysanin. Wuxuu ku dooday taliyuhu in sumcada booliska loo gefay.
Jen Maye ayaa ku tilmaamay gabadha iyo wariyaha inay yihiin dembiilayaal (markaasi wax maxkamad ahi ma cadeynin xitaa eeda loo heysto wariyaha iyo gabadha), wuxuuna taliyaha booliska sheegay inay maxkamad geynayaan.
- 17 Jannaayo 2013 Waxaa kulmay golaha wasiirada dawlada federaalka, waxaana dhamaadkii kulankooda ka soo baxay war saxaafadeed lagu saleeyay xog uu golaha siiyey wasiirka arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana war saxaafadeedkaasi lagu tilmaamay wariyaha iyo gabadha la xiran inay yihiin ‘dad’ ku been abuurtay kufsi aan dhicin, lana geyn doono sharciga hortiisa. [Akhri war saxaafadeedka]
- 18 Jannaayo 2013 waxaa markale hadlay wasiirka arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed oo kulan kala qeybgalay hay’adaha samafalka, wuxuuna halkaa kaga dhawaaqay in gabadha la kufsaday iyo wariyaha ay ku cad yihiin dembiga ay galeen. Sidaa darteed wuxuu sheegay in maxkamad la soo saarayo.
- 19 Jannaayo 2013 waxaa shir jaraa’id qabtay raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo isagoo careysan ka hadlay kiiska xariga wariyaha iyo dilalka loo geysto suxufiyiinta. Raysul wasaaraha wuxuu kulankaasi ka sheegay in uu amray in haddii wax eedeyn ah loo hayo wariyaha la keeno haddii kalana la siidaayo booskiisana laga xiro dadkii soo xiray. [Akhri hadalkii raysul wasaaraha]
- 26 Jannaayo 2013, waxaa xabsiga dhexe loo gudbiyey wariye Cabdicasiis iyadoo aaney jirin wax maxkamad ah oo la geeyay. Waxaa xusid mudan in amarka xabsiga dhexe lagu geeyey wariyaha uu bixiyey xeer ilaaliyaha guud ee qaranka C/qaadir Maxamed Muuse.
- 5 Febraayo 2013 waxay maxkamadda gobolka Banaadir min hal sano oo xarig ah ku xukuntay wariye Cabdicasiis iyo Luul Cali Cismaan. Waxaana loo cuskaday xukunkaasi in ay faafiyeen been abuur ka dhan sharafta ciidamada dawlada. Xukunkaasi waxaa Rafcaan ka qaatay qareenkii u doodayey wariyaha iyo gabadha. HALKAN KA DHAGEYSO CODKA GARSOORAHA
- 27 Febraayo 2013, waxaa markale dib loo furay dhageysiga dacwada Rafcaanka loo gudbiyey, waxaana markaasi ay ahayd markii ugu horreysay oo qareenka labada dhibane loo ogolaado inuu maxkamadda ka difaaco.
- 3 Maarso 2013, waxay maxkamadda Rafcaanka siideysay Luul Cali Cismaan Barake oo ahayd gabadhii la kufsaday ee misana sanadka xariga ah lagu xukumay kadib markay maxkamaddu sheegtay in wax cadeyn ah loo waayey eedeynteeda. Maxkammada waxay maalintaasi lix bilood oo xarig ah ku xukuntay wariye Cabdicasiis.
- 3 Maarso 2013, waxaa warbaahinta la hadashay Luul Cali Cismaan Barake oo bannaanka soo dhigtay waxyaabo yax yax iyo argagax leh oo ay kula keceen madaxda sare ee booliska. Waxay gabadhu sheegtay in taliyaha booliska Jen Sheekhuna Maye uu ugu goodiyey kuna qasbay inay warqad saxiixdo ayna ka laabato sheegusta dhibaatadeeda.
- 17 Maarso 2013, waxay maxkamadda sare ee dalka siideysay wariye Cabdicasiis kadib markay maxkamaddu sheegtay in wax cadeyn ah oo ku filan loo heynin xarigiisa sababta loo adeegsaday. Waxayse maxkamadu wariye Cabdicasiis ka reebtay xuquuq sharci ah oo ah inuu raadado magdhow maadaama wixii loo xiray aysan ahayn wax caddeyn loo heley.
Waxaa intaasoo dhan ka sii weyn waxay tahay in uu cadaaday kiiskii KUFSIGA ahaa ee ay isku dayeen booliska iyo maxkamadda inay daboolka saaraan, haatanse la iska dhegatirayo lana rabo in lagu baabi’iyo siideynta labada ruux.
Xukunkan maxkamadda sare ay gaartay ayaa wuxuu bannaanka keenay labo waxyaabood oo waaweyn;-
1- In dhammaan eedeymihii mudada dheer soo jiitamayey ee loo heystay wariyaha iyo haweeneydii la kufsaday aysan wax sharci iyo caddeyn ku fadhin isla markaana ay ahaayeen kuwo ku yimid aqoon darro iyo maamul xumo ka timid hawlwadeenada garsoorka dawlada.
2- Waxaa kaloo xukunka ishortaagay xuquuq dastuuri ah oo awood u siineysa wariye Cabdicasiis Koronto iyo haweeneydii la kufsaday inay ku dacwoodaan in laga siiyo magdhow mudaddii ay xirnaayeen maadaama maxkamadda sare ay cadeysay in eedeymihii lagu xiray aysan ku fadhin CADEYN iyo marqaati run ah.
Luul Cali Cismaan Barake oo ah haweeney Soomaaliyeed oo ka mid ahayd barakacayaasha kadibna ay kufsadeen shan nin oo la tuhunsan yahay inay yihiin askarta dawlada iyo wariye Cabdicasiis oo wareystay gabadha dhibbanaha ah, waxay labaduba maanta joogaan bannaanka, iyagoo ay ka maqan tahay qeyb ka mid ah xuquuqdooda muwaadinimo!!. Haddiise ay raadsan lahaayeen xuquuqdaasi waxaa laga yaabaa in amaankooda uu khatar galo sidaa darteedna ay isaga aamusaan.
____________________
Malyuun Cali
RBC Radio, Nairobi