Muqdisho{RBC Radio} Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay iney wadaan qorshe ay ku doonayaan iney muddo 6 bilood ah ku hantaan sugidda nabadgalyada magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo bilihii u danbeeyey uu marba marka ka danbeeya kasii danbeeya uu sii xumaanayey amnigeedu.
Xog-hayaha maamulka gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle oo boqolaal dadweyne ah kula hadlayey xarunta golaha Murtida iyo Madadaalada ee magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday iney wadaan qorshe muddo 6 bilood ah ay ku doonayaan iney ku xaqiijiyaan amniga caasimadda Muqdisho,wuxuuna carrabka ku adkeeyey iney ku rajo weyn yihiin hirgalinta arintaas boqolkiiba boqol sida uu tilmaamay.
Xog-hayaha maamulka gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle ayaa sheegay iney damacsan yihiin iney magaalada Muqdisho kala mid dhigaan amni iyo bilic intaba Caasimada gobolka,sida Nairobi,Kampala iyo Addis ababa sida uu yiri,wuxuuna daboolka ka qaaday ineysan jirin cid hor istaagi karta dadaalada uu maamulku ku doonayo meelmarinta qorshahaas.
C/kaafi Hilowle ayaa fariin cad u diray kooxo uusan carrabaabin oo uu sheegay iney ku lug leeyihiin amni xumada ka jirtamagaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,isagoona ka dhawaajiyey in shacabka reer Muqdisho ay hurdadii ka tooseen kana gudbeen qabyaaladii iyo eexdii isla markaane ay u istaageen soo celinta nabadgalyadii iyo bilicdii magaalada.
Dowladda uu hogaaminayo madaxweyne Xasan SH Maxamuud ayaa markii ay la wareegtay talada dalka waxa ay ballan qaaday in sugida amniga dalka uu yahay qorshaheeda,Koowaad,Labaad iyo Saddexaad wali ma muuqato wax weyn oo la tilmaami karo oo dowladdu ay ka qabatay sugida amniga dalka gaar ahaan caasimadda oo ay kusoo noqnoqdeen dilalka qorsheysan iyo qaraxyo
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho