Muqdisho{RBC Radio} Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa tafaasiil ka bixiyay guulaha ay gaartay xukuumadiisu mudadii ay xilka haysay iyo wax yaabaha u qabsoomay.
Waraysi uu siiyey Idaacada dowladda ayuu Ra’iisul wasaare Saacid kaga warbixiyay guulihii ay gaartay Xukuumada Soomaaliya mudadii sideeda bilood i ahayd ee ay jirtay iyo Qorshaha cusub ee dib loogu dhisayo dalka Soomaaliya ee” New Deal”qaabka uu u hirgeli doono
Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya ayaa yiri” xilka markii aan qabanay waxaa na horyaalay duruufo adag anagoo la wada socona in ay jireen caqabado balaaran kuwaas oo u baahnaa in si tartiib tartiib ah loo wajaho”
“waxaan xaqiijinayaa in ay howlo badan inoo hir galeen kuwaas oo ay ka mid yihiin dadaalka aan u galnay dhismaha hay’adaha dowlada iyo bilaabidda dejinta sharciga lagu maamulayo dalka”
“Dadaal aad u balaaran ayaan ku bixinaynaa dhismaha dalka iyadoo ay ogyihiin dadka Soomaaliyeed duruufaha adag ee horyaalla dowlada ayna ka mid yhiin ammaanka sidii wax badan looga qaban lahaa xukuumadu waxay qorsho cusub ugu tala gashay sidii ciidamada qalabka nidaamkooda loo sixi lahaa anaga oo dadaalkaas aadka u badan ku bixinaynay sidii loo heli lahaa ciidan Soomaaliyeed oo difaaca qaranimada dalka Soomaaliya hadana ay jiraan duruufo adag oo dhanka dhaqaalaha naga haysta”ayuu yiri R/wasaare saacid.
R/wasaaraha oo sii hadlaya ayaa dhanka kale taabtay kobaca dhaqaale ee ay xukuumadu ku tallaabsatay”Bishii may ee sanadkii hore xukuumada dakhligii soo galay wuxuu ahaa Labo Milyan iyo bar, halka sanadkan horaantiisa uu kor ugu kacay Shan Milyan iyo bar,iyada oo halkaas laga garan karo is bedelka balaaran ee u dhexeeya,dowladu ilaa hada ma gaarin halkii loo baahnaa ee shacabka Soomaaliyeed ka filayeen”.
Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid R/wasaaraha dalka ayaa sidoo kale ka jawaabay su’aal ahayd eedaha ku aaddan in dowladda Soomaaliya ay ku kooban tahay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya isla markaane aysan wali hannaanka dowladnimo gaarsiin gobolada dalka wuxuuna yiri isagoo arintaasi sharaxaad ka bixinaya.
“dowlada Soomaaliya waxaa lagu eedeeyaa in ay tahay mid Xamar ku koobtay dowladnimada laakiin waxaan ku guuleeysanay in aan hir gelino Barnaamij gobolada Dalka lagu gaarsiinayo Dowladnimada arintaas waa mid aan ka gun gaarnay anaga oo aan halkaas ku ekaanin waxaan is bedel ku samaynay Maamulada Goboladaasi si loo helo jawi hormarineed oo shacabka Soomaaliyeed lagu gaarsiiyo dowladnimada”ayuu yiri R/wasaare Shiirdoon.
Hadalka R/wasaaraha oo ahaa mid dheer oo taabanayey dhammaan waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda uu majaraha u hayo ayaa waxaa kamid ahaa waxyaabaha uu xusay waxaa ka mid ahaa isbedelka lagu sameeyey saraakisha sare ee ciidamada kala duwan ee xukuumadda iyo shirka 15ka bisha soo socota ee Sep. Soomaaliya loogu qabanayo magaalada Brussles iyo qodobo kale oo dhowr ah.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho