Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ahlu Sunna oo si cad uga hortimid in dowladu ay gobolka Galgaduud u magacowdo maamul aysan iyagu ka war qabin

$
0
0

ahlu sunna  7Dhuusamareeb{RBC Radio}  Masuuliyiinta maamulka ahlu sunna ayaa si caro leh uga jawaabay arin ay sheegeen iney ku hawlan tahay dowladda federaalka Soomaaliya,maalmihii danbe ayaa waxaa soo baxayey warar hoose oo sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay xil ka qaadis ku samaysay gudoomiyihii gobolka Galgaduud Axmed Xasan Ciyow isla markaane ay wado qorshe ay maamul cusub ugu magacaabayso gobolkaasi.

Maamulka culima udiinka ahlu sunna waljamaaca ayaa kulan ka yeeshay arintaasi,waxaana warbaahinta la hadlay Macalin Maxamuud Sh Xasan faarax  gudoomiyaha ahlu sunna,wuxuuna sheegay iney ka war heleen dhaqdhaqaaqyada ka socda magaalada Mudisho ee ay dowladdu ku dooneyso iney maamul ugu magacawdo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Macalin Maxamuud SH Xasan Faarax ayaa sheegay in maamulka ahlu sunna kadib kulan ay ka yeesheen arintaasi ay kasoo saareen go’aan cad,wuxuuna tilmaamay iney isku raaceen ineysan sinaba ku aqbalin qof dariishada laga soo galiyey gobolka sida uu hadalka u dhigay oo aan ku imaana talada ahlu sunna waljamaaca.

Wuxuuna ku goodiyey in hadii la isku dayo in gobolkaas loo magacaabo qof dusha laga keenay ay dowladdu qaadi doonto cawaaqib xumida ka dhalata arintaas,wuxuuna hoosta ka xariiqay in culima udiinka ahlu sunna waljamaaca ay yihiin cidda kaliya ee xaqa u leh magacaabista maamulka gobolkaas,isagoona ka digay iney gobolkaas xil ka qabato cis aysan iyagu raali ka ahayn.

“qofkii xil raadis ah waa inuu marka hore annaga noo yimaadaa,hadii aan u aragno inuu u qalmo waa khayr,Laakiin waxaa jira dad argagixiso ah ama xiriir la leh oo soo huwada dhar kale annagu waan kala naqaanaa dadkaas,waana in nalooga danbeeyaa arimahaas”ayuu yiri Macalin Maxamuud Sh Xasan faarax.

Culima udiinka ahlu sunna ayaa dhawaanahan warbaahinta ka sheegayey iney dowladda Soomaaliya ka baxday heshiiskii iyo ballankii ay hore u kala saxiixdeen.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles