Yaa diidan dimoqraadiyeynta Puntland??
C/risaq M Xuseen ( ina xuseen dheere)
habdirisak@hotmail.com
Agoosto 11 2013
Hordhac
Gobolada la isku yiraahdo Puntland waxaa ay nasiib u yeesheen iney ka badbaadaan burburkii iyo dagaaladii sokeeye ee ku habsadey qaybo badan oo dalka Soomaaliya ka mid a
h. Taasi waxaa ay ku timid dadaal iyo garasho ay la yimaadeen shacabweynaha Puntland oo ay horseed u yihiin isimada iyo madaxda dhaqanka. Waxaa lagu guuleystey in la dhiso dowlad goboleedka Puntland oo hadda 15 jirsaday.Nidaam siyaasadeedka la yagleelay waxaa uu salka ku hayey ama saldhig u ahaa qaabka doorashada beelaha. Beelaha dega gobolada Puntland ayaa waxaa ay iska soo saaraan xubno u matala baarlamaanka Puntland, xubnahaas ayaa iyaguna doorta madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo gudoomiyaha Baarlamaanka.Nidaamkan ku dhisan qaabka beelaha ayaa waxaa uu leeyahay daldaloolo iyo dhaliilo badan.Tusaale ahaan qaabka beeluhu u qaybsadaan xubnaha baarlamaanka ayaa ah mid aad cadaalada uga fog. Beelaha qaar ayaa waxaa ay helaan xubno dhowr ah halka qaar kalena lagaba yaabo iney helaan xal xubin ama aaneyba helin wax xubno ah. Haddaba si looga gudbo qaab – beeleedkaas la dhaliilay ayaa waxaa reer puntland intooda badani isla garteen in loo gudbo nidaamka xisbiyada ku dhisan, Kaas oo suurto gelin kara in dhamaan dadka reer Puntland ay codkooda dhiibtaan, ayna doortaan xisbigii ay ku qancaan barnaamijkiisa. Si kastaba ha ahaatee nidaamkaas xisbiyada badan waxaa ku yimid caqabado badan oo horseeday in gebi ahaanba dib loo dhigo. Dowladuna waxaa ay go, aamisey in qaabkii doorashada ee beelaha ku salaysnaa la sii wado. Waa maxay sabatu? Yaa diidan dimoqraadiyeynta Puntland? Yey dani ugu jirtaa qaabka doorashada beelaha ku salaysan? Haddaba Faalladaan waxaa aan ku falanqeyn doonaa arimahaas. Waxaana isku dayi doonaa inaan ka jawaabo qaar ka mid ah suàalahaan kor ku qoran.
Caqabadaha muuqda
Waxaa jira caqabado badan oo hortaagan nidaamka dimoqraadiyeynta Puntland. Waxaa jira dano gaar ah oo badan oo iska soo horjeeda oo lid ku ah nidaamka xisbiyada. Haddaba waxaa aan soo qaadan doonaa afar kooxood oo maslaxadooda ka arki waayey nidaamka xisbiyada badan, kuna dadaalaya in aan nidaamkaasi marnaba hirgelin.
Beelaha Puntland: Sidaan horay usoo sheegnay beelaha Puntland qaarkood waxaa ay baarlamaanka iyo dowlada ka helaan xubno badan oo muhiim ah. Qaar kale oo beelaha Puntland ka mid ahna waxaa ay helaan xubno aad u yar ama waxaa dhacda in aaney waxba helin. Waxaa muuqda in beelaha qaarkood ay saamayn xoog leh ku leeyihiin baarlamaanka, dowlada iyo madaxweynahaba. Sidaas darteed waxaa jira beelo ka mid ah beelweynta Puntland oo u arka in maslaxadoodu ay ku jirto nidaamka siyaasada ee beelaha ku dhisan. Maxaa yeelay waa qaab fursad u siinaaya una sahlaaya iney awood badan ku yeeshaan qaybaha kala duwan ee dowlada, baarlaamka iyo dhinacyada kale ee bulshada. Beelaha maslaxadooda siyaasadeed ka arka nidaamka qabiilka ku dhisan waxaa ay doonayaan in nidaamkani sii socdo oo aan marna loo gudbin habka xisbiyada badan. Nidaanka xisbiyada badan ayaa waxaa beelahani u arkaan mid yarayn doona saamayntooda siyaasadeed. Taasina waxaa ay dhalisay iney ka hor yimaadaan siyaasada ku salaysan xisbiyada badan.
Siyaasiyiinta qaarkood: Waxaa jira siyaasiyiin badan oo muddo ka dhex muuqday siyaasada Puntland ama guud ahaan soomaaliya oo aan ku kalsoonayn nidaamka dimoqraadiyada xisbiyada badan. Siyaasiyiintaan waxaa ay badanaaba xiriir fiican la leeyihiin isimmada iyo nabadoonada. Waxaa ay kalsooni buuxda ku qabaan iney wax ku heli karaan qaab- beeleedka haatan jira ee ay isimmada iyo nabadoonadu xubnaha baarlamaanka soo xulaan. Siyaasiyiintani diyaar uma aha iney tartan galaan iyagoo adeegsanaaya qaabka xisbiyada. Waxaanaay badankood ka cabsi qabaan iney soo wajahdo guuldaro oo ay sidaas saaxada siyaasada kaga baxaan. Kooxdani waxaa ay ku dadaalayaan inuu sii socdo qaabka beelaha wax lagu qaybsado, waana ka soo horjeedaan nidaamka “ one man-one vote”.
Madax dhaqameedyada: Nidaamka haatan Puntland ka jira ee qaabka beelaha wax lagu qaybsado waxaa kaalin weyn ka ciyaara odayaasha beelaha iyo madax dhaqameedka kala duwan. Maxaa yeelay waa iyaga kuwa soo xula xubnaha qabaa`ilka matala ee baarlamaaka fadhiya. Nidaamka xisbiyada badani waxaa uu meesha ka saarayaa kaalintaas muhiimka ah ee ay madax dhaqameedku leeyhihiin. Dadkuna waxaa dooran doonaan xisbi. Tirada xubnaha xisbi walba uu baarlamaanka ku leeyahayna waxaa ay ku xirnaan doontaa hadba codka uu xisbigu ku helo doorashada la galay. Qaar ka mid ah madax dhaqameedka ayaa waxaa ay doonayaan in kaalinta ay siyaasada ku leeyihiin ay sii jirto, Waxaana ay kaalintaasi ku jiri kartaa oo keli ah haddii lasii wado qaabkii doorashada beelaha ku dhisnaa.
Dowlada Puntland: Dowlada haatan maamusha Puntland kaalin ayey ku leedahay dib u dhaca ku yimi nidaamka dimqoraadiyada xisbiyada badan. Dowlada ayaa waxaa laga doonaayey iney soo diyaariso nidaamka xisbiyada badan. Tusaale ahaan waxaa laga sugaayey in dadka Puntland la tirakoobo si loo ogaado dadka ka qayb geli kara doorashada. Waxaa dowalda laga rabay waxyaalo badan oo fududayn kara nidaamka doorashada. Arimahaas dowaladu ma aaney samayn ama waxaa ay u wajahdey qaab dowlada dani ugu jirto, oo sahli kara in xisbiga dowaladu si fudud doorashada ugu guuleysto. Ka gaabinta dowlada ee ku wajahan hirgelinta nidaamka axsaabta badan ayaa waxaa uu qayb weyn ka yahay dib u dhaca ku yimid nidaamkaas. Dowlada oo aan kasoo bixin kaalintii looga fadhiyey ee dhinaca dimqoraadiyada waxaa ay keentay in weli la sii wado nidaam beeleedkii aan cadaalada ku dhisneyn ee aan kor ku soo sheegay.
Gebagebo
Si loo gaaro horumar iyo nidaam siyaasadeed oo cadaalad ku dhisan waa in Puntland u gudubtaa nidaamka xisbiyada badan. Waa in loo gudbaa in qofka lagu doorto diintiisa, aqoontiisa, khibradiisa iyo kartidiisa. Waa in laga gudbaa in qofku uu xubin baarlamaan noqdo isagoo reerkiisa matalaaya. Maxaa yeelay xubinta baarlamaanka ee magaca qabiilka lagu keenay waxaa uu matalayaa oo keliya naftiisa iyo reerkii soo doortay. Qaabka qabiilka wax lagu doorto waa aragnaa natiijadiisa haddii aan eegno Puntland ama baarlamaanka federaalka soomaaliya. Nidaamkaasi ma aha mid la jaan qaadi kara wakhtiga iyo casriga aynu haatan joogno. Waa nidaam xanibaad ku ah caqliga saafiga ah ee horumarka keeni kara.
Kooxaha aan kor ku soo sheegay ee diidan dhaqangelinta nidaamka xisbiyada waa iney eegaan maslaxada bulshaweynta Puntland. Waxaan leeyahay siyaasi walbaa waa inuu xeeladiisa, xirfadiisa siyaasadeed , aqoontiisa iyo qaab maamulkiisa usoo bandhigaa dadweynaha Puntland uuna ku kalsoonaadaa waxii taageero iyo cod ah ee uu ka helo.
Mahadsanidin
Cabdirisaaq M Xuseen ( ina xuseen dheere)
habdirisak@hotmail.com
=============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM