Maya Jaalle kama duwana Hooyadaa
F Hiirane
fahiira@gmail.com
Agoosto 11 2013
Annagoo xero ciidan oo Tiyeegloow ku taalla joogna ayaa waxaa kasoo muuqday meel duleedka magaalada ah Hooyo Soomaaliyeed oo horay ku xanbaarsan Wiil dhabarkana ku sidata caag 20 qaad ah oo biya ah , waxaan ahayn askar aan la barin inay u arxamaan cid ka taag daran , ninkii noogu sareeyay ayaa yiri islaantaas nooga soo dhiga Biyaha , anigoo kaashaday maskaxdayda qaladka u shaqaynaysay ee ku dhisanayd reerka aan ahay ayaan iri , Maya Jaalle kama duwana Hooyadaa , Taliyahagii oo caraysan ayaa u dhaqaaqay islaantii xageeda , waxaan ku iri caaga islaanta dhabarkeeda hadaad ka dajiso kama danbayn doontide ogoow Jaalle , waan ogahay inuu yahay taliyahayga laakiin anigaa ka sareeya oo reer hebel ayaan ahay.
Asagoo ilinta indhiisa kasoo daatay ay qoysa Shaarkiisa Tuutaha ah ayuu nagu soo laabtay , aad ayaan u naxay ninka wayn oohintiisa ayaan dhawri waayay , islaantii ayaan ka daba ordanay aniga iyo 3 alifle Gaarruun, waxaan niri Hooyo ma ku caawinaa oo ma kula qaadnaa caagga culayskiisa, intay istaagay oo wiilkay xanbaar sanayd farta ku tilmaantay ayay tiri waa da’diisii 9 aad , caawin kama sugayee ilaahay cadaabta ha ka dhawro.
Hadaladaas miisaanka leh maanaan garan oo dhalin yaro xero askareed lagu ciqaabay ayaan ahayn , anagoon xiise wayn u qabin hadalada Hooyadaas ayaan caaggii inta ka dajinay u qaadnay aqalkeediina gaynay , waxay Hooyadaas hor muud u ahayd reer maalintaas ka koobnaa 5 caruur ah waxay noo sheegtay inuu odageedii ka mid ahaa raggii ay soomaaliya ku wayday dagaalkii 1977 kii aan la galnay Itoobiya si aan uga soo dhacsanno dhulka Soomaali Galbeed oo haattan u muuqda mid sheeg sheegiisii dhamaaday .
Kudhawaad 30 sano kadib anigoo safar ah maalinkaasna xiran dhar shacab ayaan tiyeegloow socod ku maray meelaan u socdayba , xasuustayda kumaysan jirin Islaantii ee waxaan inta badan xasuusnaa maalimihii ay garbaha ii casaayeen ee aan joogay Tiyeegloow , Ilaahay amarkii salaad casar anigoo ku tukanaya masaajidka waynee magaalada ayay mar kaliya xasuustaydu soo dhex istaagtay islaamtii erayadii ay noogu war celisay , hal xiraale ayay igu noqotay, markaan salaaddii dhameeyay ayaan si deg deg ah kabaha u idladay , waxaan iloobay inaan laba nin oon safar wada ahayn salaaddana igu xirtay aan iraahdo halkaas ayaan gaarayaa.
Waxaan sii lalaba waxaan si aan iloowsho yarna lahayn istaagay aqalkii dhista iyo laamareeriga ka samaysnaa oo lagu badalay guri Tiyeeglow casri ka noqon kara laakiin aad moodid inuu muddo dheer soo jiray, geedo waa wayn oo la harsado ayaa lagu badalay buul yar oo ay ciyaal ku cayaarayeen maalintii aan 20 qaadka dhignay, waxaa igu soo baxay qof aan markaa is iri waa islaantii laakiin shaki iga galay , duruuftii maalintii ka muuqatay aysan sinaba ugu dayseen dhabanka galabtaa ku yaallay waxaan is iri ma walaasheed baa mise waa Curadeedii, anigoo jaha wareer i haleeyay garana waayay meel aan ka bilaabo ayay mar kaliya tiri alla waa Xiirane , hadal dheer oo rageed ayaa guriga ka dhex yiri Xiirane aa,waxaa durba soo baxay nin dheer oo timihii inta badan da’du leeftay laakii ay labeen ka muuqato, inta isku kay duubay anigoon garan ayuu yiri alla war Xiirane miyaad noolayd ? alla maxaan ku baadi goobay abaalkaaga si aan u gudo garan maayee ba soo fariiso ,war xageed ka timid? Xageedse ku socotay ? wuxuu arkay inaan fiig sanahay oo aan garan la’ahay markaasuu yiri miyaadan i garanayn waa Mad Yuusuf , waxay ila noqotay qaadan waa, waa asagii oo waa Mad Yuusuf laakiin maxaa isu keenay Taliyahaagii iyo Islaatii uu biyaha ka dhigan rabay ?
Waa Hooyadii, waa qofkay rabatay inay noo sheegto markay lahayd waa da’diisii 9 aad , waxaan mar kaliya xasuustay inuu galabtii aan islaanta la qaanay aniga iyo 3 Alifle Gaarruun allaha u naxariistee oo ku geeriyooday Magaalada Burco sanadkii 1998 kii , Mad Yuusuf habaynkaas uma soo hoyan xerada, waaga markuu baryay ayuu ii yimid oo wuxuu ii sheegay inuu doonayo rukhso ka qaato Xoogga Dalka oo markaas ay adkayd, maxaa dhacay ayaan iri wuxuu igu yiri hooyaday ayaa fariin iisoo dirtay , anigoo waydiin ayaan u raacay Waajid oo markaas ku sugnaa S/guuto ………… waxaana u sheegay in Taliye Mad Yuusuf ay hooyadii il daran tahay , asagoo sigaar dhuuqaya ayuu ogolaaday in laga fariisiyo shaqada ciidanka inta ay Hooyadiis nooshahay oo aan ku sheegay inay il daran tahay, wixii intaa ka danbeeyay Jaalle Yuusuf maan arag , mana raadin oo wax wanaag ah kamaanan dhaxlin intuu Taliyaha noo ahaa, dhawr jeer ayuu i ciqaabay haba ugu darnaatee markaan xabsiga dhexe ilaaladiisa ka mid ahayn uuna igu ciqaabay Xassan Daahir Aways oo barigaas ku xirnaa meesha uu ku dhawaad 40 sano kadib ku xiran yahay oon sheekadiisa jeclaa wax iga badalay siduu haatanba u badalo dhalin yarada.
Hooyo Luuleey 20 qaadkii aan u qaadnay aniga Gaarruun allaha u naxariistee waxay galabtaas iigu soo badashay 20 Malab uu kasoo shubay beertooda Malabka Taliyahaygii Mad Yuusuf .
F Hiirane
fahiira@gmail.com
=============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM