GALDOGOB, TALEEX, IYO ISKU-SHUBAN (CAANO LAGUMA MIRI JIRINE MA DOORSHAAN BAA UGA DHACAY ??)
Cabdirashiid Dhagajilic Caaqilka
Caaqilkacmc@gmail.com
Agoosto 11 2013
Anigu Siyaasi ma’ahi , laakiin waxaan ka mid ahay soomaalida 10ka malyan ah ee wada siyaasiyiinta sheegta, inkastoo aan ku wareersanahay qaabka soomaalidu siyaasadda u taqaanno iyo sida dhabta ah ee siyaasadi tahay, haddana waxaa jira faham ku abuuran qofwalboo wax garta ama caqli usaaxiiba.
Waxaan ugala jeedaa tan iyo intii aan garaadsaday waxaan maqlaa siyaasi hebel, ama koox iskood isugu magacaaba in ay siyaasiyiin yihiin , halka dhaqanka soomaalida danbe qof walba magacaiisa uu ku lifaaqan yahay xil gooni ah, oo uu isagu iskiis isugu sheego ,waxaanse been ahayn in shaxda lagu tilmaamo siyaasad qofba uu god kayaqaan, mid waa dedan, oo waayo kadib baa la gartaa , godka la degey iyo siyaasadda degtey , midna waa daalacan oo iyadoon laguurin baaba , islaamuha waayeelka ah sii sheegaan , meesha awrta lagu furi doono.
Waxa ay taas la macne tahay, Dawladda federalka ah Ee Somaaliya ayaa 3saddex Degmo oo ka mid ah deegaannada Maamulka Puntland, deeqo maraakiib ka buuxda usoo dirtay oo gaar ugu soo magacowday, iyada oo aan waddo maamul usoo marin, loona jeedin muhiimmad keentay ama musiibo gaar ah , oo ku habsatay dadka deegaannadaas deggan Galdogob , Iskushuban , Iyo Taleex, waa goobaha Loosoo Diray markabkaas sida ay caddaynayso warbixintan hoos ku daabacan.
(CAANO IGUMA MIRI JIRINE MA DOORSHAAN BAA UGA DHACAY ??)
Waxaa is waydiin mudan ? maxay tahay ula jeedka Gaarka ah ee laga leeyahay deeqahan, la sheegay in lagu is-may deegaanno gaar ah,?
Ma dadka 3sadexdaan degaan kunool baa dalbaday ,gargaar degdeg ah,?Mise dawladda turkiga & Dawladda FD ah baa.
Xaqul ciid ahaan ula niyooday?? mise deegaannadan ayaan lahayn dawlad goboleedyo ay maamul wadaagyihiin,??mise waanan ogayne.
Xamar bay quud iyo qaaraan wadaagaan , bal adba meel u saar xaajada ?
Waydiimahan ilaa maantoo dhan hadaan wadno loo heli maayo waraaqo lagu qoro, balse waxaad kusoo gaabsan kartaa. Haddii masuuliyiinta dawladaha turkiga iyo DF ah ee Somaliya ,deeqo u garteen dad soomaaliyeed , daacadna ay ka tahay, xisaabuhu intaas way ka badnaayeen, waxaana lagu tebayaa deeqo badan oo ka muhiimsan , badar Markab laga soo buuxshay, wax-tarna ulahaa deegaanadaas imika markabku usoo degey iyo qaarkaloo ka badan, sida deeqaha wax-barashada, iyo mashruucda, kale ee ilaa hadda aan soo dhaafin xaafado xamar ka mid ah, maxaa kol hore loogu soo gudbin waayay?
Su’aalahan iyo qaar kaloo kabadan waan hubaa in qof walbaa is waydiinaayo, sidoo kale waa wax qofwalbaana fahmayo in ay tahay shirqool cad ,oo ay Xukuumadda Xassan Sheikh Maxamuud , u maleegayso deegaanno nabad ah , iskuna dirayso Dad walaalo ah, Maamullo dhisanna ay dumintooda ka shaqaynayso, Waa caddaan in shaqadii Jubbaland , kol hore dabka la isugu dhiibay dadka wada dhashay shalayto, maantana la dhex dhigayo Reer Puntland.
Sikastaba ha ahaatee , anigoo ku halaaya afka shacabka reer Puntland , waxaan u aragnaa , tallaabada Dawladda Federalka ah ay qaaday, mid aan munaasab ahayn, mid ah gef iyo gardarro caddaan ah oo lagula kacay , jiritaanka maamulka baaxadda wayn iyo masuuliyiintiisa oo meel looga dhacay weliba si ula kac ah, Welibana ay jebisay kuna xad gudubtay ,xeerkii dastuurka federalka ahaa ee dalka lagu dhisay, waxaan ku tilmaami karaa ihaano loo gaystay dadka dhawrsan ee ka soo jeeda deegaannada 3da ah, oo laga dhigay shacab dhuuni qaatayaal ah, wax markab saaranna ay deeqaan, ama dad si gaara uga sad bursada , walaalahooda ku dhaqan deegaannada ay maamulka wadaagaan dhib iyo dheeftana qaybsada.
Waxaan ku raacsanahay ama soo dhowaynaynaa go’aankii geesinimada lahaa ee ay qaadatay xukuumadda PL iyo guddigii loosaaray amuurta markabkan lasoo gamay.
Ugu danbayntii waxaan farriin u dirayaa baarlamaanka reer puntland ee xubnaha ka ah , dawladda federalka ah ee somaalia waxaan leeyahay mudanayaal , waxaan idiin doorannay , in aad meteshaan, shacabwaynaha ku dhaqan puntland, waxaan idiin doorannay in aad tusaale u noqotaan ama wax ku biirisaan , dadka aan hanaanka dawladnimo u carbisnayn, oo la idinku daydo.
Marna aad dar dargelisaan , waxqabadka aad qibradda u lahaydeen ee aan idinku idmannay, laakiin waxaa noo muuqata , in xataa aan la idinkala tashan , waxa laga yeelayo maamulkii aad ka timaadeen, dan soomaaliyeed ha joogtee waxaa noo muuqata in aan la idin waydiin waxba , ama laidin tebin, la’idinla tashan.
Deriskaa mar ku diin mar ku dayo marna ka darnoow miyaa xaalkiinnu yahay, waa yaabe !!mise xamar hal guri baad kaga xidhantihiin, mise sida Saacid baad hurudaan ? oo shaqadiinnii waxaaba haya xildhibaanno kale, ?
Anigu dhihi maayo kamana sugayo raalli gelin Xassan Culusoow oo hadeer hadaad wacdidid daqiiqado kadib waxaad ka waanisay ku faraha la gelaaya , laakiin raalli gelinta jaa’ifooyinka ula kaca ah ee lagu wado shacabka idin doortay, ama meel soo saara, ama soo banneeya kuraasta xildhibaannimo ee aan idkula qaldannay, qaar u qalmaan geynaynaaye, ?!!
Cabdirashiid Dhagajilic Caaqilka
E-mail:Caaqilkacmc@gmail.com
=============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM