Muqdisho{RBC Radio} Kulan balaaran oo uu soo qabanqaabiyey xafiiska raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho,kulanka oo looga hadlayay tacadiyada loo geeysto xuquuqda uu leeyahay qofka bini aadam ka ah ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka kala socda Baarlamanka Bulshada rayid ka iyo Xukuumada federaalka Soomaaliya.
C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa wasiirkii wasaarada dastuurka dowladii ku meel gaarka ahayd ee uu madaxwaynaha ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa hadal ka jeediyay goobta isagoo tilmaamay in sanad walba laga sugayo in ay ka war bixiyaan meesha ay Soomaaliya ka taagantahay xuquuqul insaanka,
“waxaan ku dadaalaynaa sidii aan u soo celin lahayan xaqqa qofka muwaadinka ah ee soomaaliyeed uu leeyahay”ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriiil.
Kulanka maanta Muqdisho ka dhacay waxaa sidoo kale ka hadlay Yuusuf Baribari oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga reer Yurub oo isne madasha kulanka ka hadlayaa ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay go’aansatay dhowrista xuquuqda aadanaha,
Baribari ayaa sheegay in Qaramada Modoobay ay si weyn u danaynayso Xuquuqda aadanaha dalka Soomaaliya,wuxuuna xusay in ilaa sanadkii 2008dii uu golaha ammaanku soo saaray 9 qaraar oo ku aaddan xuquuqul Iinsaanka Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa waxa ay ka tirsan tahay wadamada saxiixay ilaalinta xuquuqda Bini Aadamka balse maamulada ka jira dhulka Soomaalida ayaa lagu eedeeyaa iney geystaan fafal lidi ku ah xuquuqda aadanaha,kuwaas oo ay ka mid yihiin dil,Musuqmaasuq,eex iyo Cabburin ay shacabka u gesytaan
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho