Boosaaso[RBC Radio] Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dawladda Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa faah-faahin ka bixiyey Markab siday Raashin ay dawladda Federaalku usoo dirtay Puntland.
Mudane Khaliif Ciise Mudan oo kamid ah Guddi ka kooban Gollaha Xukuumadda Puntland ayaa sheegay in Markabka ay soo dirtay Dawladda Federaalka Soomaaliya taasoo ka timid Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga.
Wasiirka amniga Puntland ayaa sheegay in aysan garaneyn sababta loogu soo qoray Raashinka Saddex degmo oo ka tirsan Puntland kuwaas oo kala ah
…..””Goobaha loo soo diraya waxa weeye Puntland waa Goldagob,Taleex iyo Iskushuban,waxaana Puntland loo soo diray 500-tan oo Sonkor ah iyo 500-tan oo daqiiq ah…….””””ayuu yiri
Waxa uu intaas ku daray in Markabka oo kusoo xirtay Dekedda magaaladda Boosaaso uu sidoo kale siday 50749-kartoon oo buskud ah oo u wadey magaalooyinka Beledweyne iyo Matabaan.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Turkigu kusoo qoreen Warqad la socotay Markabka raashinka siday taasoo looga Codsanayo Wasiirka Gaashaandhiga dawladda Federaalka iney ilaaliyaan amaanka qeybinta raashinka.
.….””Waxay Turkigu kusoo qoreen Warqada Wasiirka amniga oo jooga Xamar inuu amniga raashinkas sugo sida loo qeybinaayo,Tan kale waxaa lagu soo qoray Saddex degmo oo kamid ah Puntland oo aanan garaneyn sababta loogu soo qoray…””ayuu yiri
Mudane Khaliif ayaa tilmaamay in go’aanka ay qaateen ka dib markey arkeen in Raashinkaas uu yahay mid dhibaato dhexdhigaya Ummada reer Puntland.
…..”””” Maadaama cinwaanka lagu soo diray uu yahay mid khaldan oo xitaa amnigeedii lagu aamni waayey Dawladda Puntland,waxaan qabnaa inuu yahay mid dhibaato dhexdhigaya Ummadeena haddii loo qeybiyana uusan gaari Karin….””ayuu yiri Khaliif
Dawladda Puntland ayaa ku sheegtay in Raashinkaas uu qeyb ka yahay Siyaasada Jahwareersan ee Dawladda Federaalku ka wado Soomaaliya,taasoo khilaafsan Dastuurada DF iyo Puntland.
Qaabka lagu soo diray Markabka Raashinka ayey dawladda Puntland ku sheegtay mid xad gudub ku ah Puntland iyo Shuruucda dalka.
Markabka oo siday Raashin aad u badan ayaa maantaba baroosinka ka furtay Dekedda magaaladda Boosaaso,kaas oo kusii jeeda magaaladda Muqdisho oo markii horeba laga soo diray.
______________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso