Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweynihii hore ee Puntland Gen Cadde Muuse: Annagu Federaalka Waan Rabnaa,Waana Nahay [VIDEO]

$
0
0
Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Gen Maxamuud Muuse Xirsi(Cadde)

Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Gen Maxamuud Muuse Xirsi(Cadde)

Qardho(RBC Radio) Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Gen Maxamuud Muuse Xirsi(Cadde) ayaa sheegay in Shacabka Puntland ay rabaan nidaamka Federaalka.

Gen Cadde Muuse oo Khudbad ka Jeediyey Xaflad ay qabteen Ururka Raabidada Ka Qalabjebiyaasha Jaamacadda Al-Azhar ayaa ayaa sheegay in loo baahanyahay in Xal laga gaaro Khilaafka jira ee DF iyo Puntland.

Wuxuu sheegay in uu rajeynayo in Puntland ay kusoo noqoto Nabad isla markaana ay la tartanto Soomaaliya marxalada ay mareyso.

…””Waad ogtihiin dhibaato badan baa wadanka socota anagu Insha allaahu waxaan rajeyneynaa iney Nabad Puntland kusoo noqoto la tartantona Soomaaliya marxalada ay mareyso….”””ayuu yiri.

Dawladda Soomaaliya!!!

Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Gen Maxamuud Muuse Xirsi(Cadde) ayaa sheegay in Dawladda Federaalka ee Soomaaliya looga baahanyahay in Puntland ay siiso Xuquuqdeeda isla markaana Xamar Isku koobin.

…..”””” Dawladda Federaalka waxaan leeyahay Yeysan isku koobin Xamar kaliya ee Xuquuqda ay leedahay Puntland waa iney siisaa ….””ayuu yiri Gen Cadde.

Federaal waan nahay!!!

Gen Maxamuud Muuse Xirsi(Cadde) ayaa tilmaamay in Puntland ay tahay Federaal sababtoo ah buu yiri waxaan dooneynaa Midnimada Ummada Soomaaliyeen kuna soo noqoto sideedii.

…..””Annagu Federaalka waan nahay,waan rabnaa maxaa jira waxaan rabnaa Midnimada Soomaaliya iney midowdo oo sideedii kusoo noqoto……””ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu qiray Madaxweynihii hore ee Puntland Gen Cadde Muuse in Dawladda Puntland ay wax badan ka qabatay sidii uu Federaalku u socon lahaa ,wuxuuna tilmaamay in Federaalka laga rabo Xuquuqdii Puntland.

…..”””” Federaalka dan baa noogu jirta,waxaan qabaa dawladdu Puntland wax badan bey ka qabatay in Federaalku socdo,Marka wixii Khilaaf ahna in laga tago laakiin Puntland waa ku dadaaleysaa Federaalka,Federaalkana waxaan ka rabnaa waxa yagii uun…””ayuu yiri.

 Aasaasayaasha Dastuurka.

Wuxuu yiri Gen Cadde….”””Waxaan kamid ahaa Ragii aasaasay markii Federaalismka la sameynaayey oo laga shaqeynaayey,waxaan la joogay Cabdullaahi Yuusuf Geedi dawladii u horeysay iyo Guddiyadeedii baan ku jiray.

Si kastaba arrintan ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan ay Puntland sheegtay iney Xiriirka u jartay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya,taasoo Gen Cadde uu ku taliyey in Xal laga gaaro Khilaafka.

 

_____________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles