Qardho[RBC Radio] Xaflad si heersare loo soo agaasimay oo ay ka soo qeybgaleen Culama’udiinka Qardho,Macalimiinta,Maamulayaasha Dugsiyada Sare Qardho,Macalimiinta Dugsiqur’aanada,ardayda waxkabarata Qardho,MadaxdaUrurka Hormarinta Dhalinyarada iyo Bulshada Ee PSA iyo marti sharaf kale ayaa xalay lagu qabtay magalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.
Xafladaani oo qeyb ka aheyd Dabaaldagga Ciiddul fitriga ayaa waxaa laga soo jeediyey khudbado kala duwan,waxana si gaar ah dadweynaha ay ula dhaceen Gabayo,Nashiido,Ruwaayad la magacbaxday Halaagi Saxaraha iyo Hoggii Badda ayaa lagu soo bandhigay intii ay socotay Xaflada,waxaana dadweynihii ka soo qeybgalay loo qabtay Baqtiyoonasiib Su’aalo lagu weydiiyey kadibna lasiiyey abaalmarino kala duwan.
Burhaan Maxamed Cali oo soo agaasimay Xafladaani aya asheegay Ujeedada ay u qabteen ay tahay in ay la ciidaan shacabka ku nool magalada Qardho maadaama magalada Bosaso dadkii kunoolaa ay u soo xagaabaxeen Qardho,in lagu dhiiri galiyo ardayda dhameysatay Dugsiyada Sare ee haataan isku diyaarinaya in ay aadaan Jaamacaddaha.
Gudoomiyaha Ururtka ardayda Hormarinta Dhalinyarada iyo Bulshada (PSA) C/fitaax Maxamed Sugule oo ka hadlay Munaasabaddaan Xafladda Ciidulfitriga ayaa sheegay in xafladaani oo kale ay ku qabtaan magalada Bosaso Sanadwalbo,waxa uu sheegay in sanadkaani ay doorteen in ay ku qabtaan Magalada Qardho,sidoo kale Gudoomiyaha ayaa xusay in ay ka digaan dhalinyarada in ay aado Tahriibka kaas oo dhibaato badan u geystay dhalinyaro badan oo isku biimeeyey qataraha Tahriibka kaas oo bilihii la soo dhaafay si weyn loo dareemay dhalinyarada ku nool Puntland in ay tahriib aadaan..
Shiikh Maxamed Aadan Shire oo ka mid ah Culama’udiinka magalada Qardho ayaa waxa uu sheegay in Munaasabdda Ciida ay tahay maalin Muslimiinta ku weyn loona baahanyahay in laga farxiyo dhammaan Umaadda gaar ahaan dayarta sida Caruurta,haweenka ardayda,waxa uu tilmaamay in sanadkaan lagu ciiday si wadajir ah taasina ay muujineyso midnimada iyo wadajirka Umadda.
Ugu danbeyntii xafladaani ayaa waxa ay ku soo dhamaatay Jawi dagan,waxana ku farxay dhammaan dadkii ka qeygalay.
___________________
RBC Radio