Muqdisho{RBC Radio} Salkaar sare ayaa ka tirsanaaa ciidamada cirka dalka Ethiopia ayaa la sheegay inuu shalay ku geeryooday shilkii diyaaradeeed ee ka dhacay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Agaasimihii ciidamada cirka dowlada dalka Ethiopia ayaa la tilmaamay inuu ka mid ahaa dadkii ku geeryooday shilkii kadiska ahaa ee shalay Muqdisho ka dhacay,sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada cirka Ethiopia oo diiday in la xuso magaciisa ayaa Wargeys kasoo baxa dalka Ethiopia u sheegayt in agaaimihii ciidamada Cirka dalkaas uu ku naf waayey shilka Diyaaradeed ee ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Sarkaalkan diiday in la sheego magaciisa oo sii wata hadalkiisa ayaa intaa ku daray in agaasimaha geeriyooday iyo saraakiisha kale ay ka soo shaqeeyeen Macadka lagu tababaro ciidamada cirka dalka Ethiopia ee lagu magacaabo Daarji,waxaana uu tilmaamay inuu si weyn uga naxay marka uu soo gaaray warka sheegaya dhimashada agaasimaha ciidamada Cirka dalkaas.
Xukuumada Ethiopia wali wax tafaasiil ah kama bixin shilkii diyaaradeed oo ay ku dhinteen saraakiil Sare oo ka tirsan ciidamadeeda cirka,balse taliska AMISOM iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ayaa war ay siyaabo kala gooni gooni ah u soosaareen waxa ay ku xaqijiyeen in diyaarada ku gubatay gudaha garoonk Muqdisho laga lahaa dalka Ethiopia ayna siday Qalab Milateri.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho