Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20233

Dowladda federaalka oo sheegtay iney alshabaab ka saarayso deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan

$
0
0

DCIM100MEDIABeledweyn{(RBC Radio}Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney alshabaab sida ugu dhaqsaha badan uga saarayso deegaanada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya,wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo la hadlayey ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo tababar uu uga socdo Xerada lama galaay ee magaalada beledweyne ayaa sheegay in dhawaan alshabaab laga saari doono gobolkaas.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Fiqi ayaa daboolka ka qaaday in ciidamada ku tababaranaya Xerada Lamagalaay ee magaalada Beledweyne ay yihiin ciidan loo diyaarinayo sidii ay alshabaab uga saari lahaayeen deegaanada gobolka Hiiraan ee ay gacanta ku hayaan,wuxuuna tilmaamay in marka tababarka loo soo gabagabeeyo uu bilaaban doono hawlgalka alshabaab ay kula dagaalamayaan.

C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ee aan walaalaha nahay ay ballan qaaday iney gacan buuxda ka geysan doonto qalabaynta iyo tababarka ciidanka ku jira Xerada Lamagalaay,wuxuuna tilmaamay  in dowladdu ay hadda wixii ka danbeeya joogteyn doonto bixinta Mushaharaadka ciidamada iyo tasilaadka kale ee ay u baahan yihiin.

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya kula Ciiday magaalada Beledweyne,wuxuuna halkaa kulan kula qaatay dhigiisa dalka Jabuuti Xasan Dharaar Hufane oo Beledweyne gaarsiiyey deeq Milateri oo dowladda Jabuuti ay ugu talagashay ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkaasi Hiiraan.

Alshabaab ayaa ku sugan degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayna ka mid yihiin,Buulobarde,Maxaas iyo Jalalaqsi,masuuliyiinta dowladda ayaa marar badan ku celceliyey iney alshabaab ka sifaynayaan gobolka Hiiraan.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20233

Trending Articles