Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo kujira Xabsiyada Dalka India oo ka cabanaya Nolol xumo haysata

$
0
0

tahriib kaanMuqdisho{RBC Radio} Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku jira Xabsiyo ku yaal dalka India ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay nolol xumo kamid tahay oo ku haysta xabsiyada ay ku jiraan,Dhalinyaradan oo Maraakiibta dagaalka dalka India ay ka qabqabteen xeebaha dalka Soomaaliya.

Xiirey Axmed oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee  ku jira Xabsiyada dalka India ayaa ka warbixiyey nolosha adag ee ku haysata Xabsiyada ay ku jiraan,wuxuuna sheegay in lagu soo eedeeyey burcad badeednimo aysan wax lug ah ku lahayn sida uu sheegay.

Xiirey Axmed ayaa ku eedeyey dowladda India ee ay u xiran yihiin ineysan si wanaagsan ula dhaqmin,wuxuuna tibaaxay in iyaga oo aan maxkamad la soo taagin xabsi la iskaga hayo,isagoona xusay iney India u xiran yihiin muddo 3 sano ah.

Cabdi C/llaahi Maxamuud oo isne ka mid ah Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalka India ayaa sheegay iney nolol xumo ku haysato Xabsiyada ay ku jiraan,wuxuuna tilmaamay ineysan mararka qaarkood  helin raashin ay cunaan,si wanaagsane aan loola dhaqmin.

Dhalinyaradan Soomaaliyeed ee ku jira Xabsiyada dalka India oo tira ahaan gaaraya 120 ruux ayaa siyaabo kala duwan looga soo qabqabtay xeebaha Soomaaliya iyo meelo ka baxsan biyaha Soomaaliya,waxayna ku doodayaan iney ahaayeen Tahriib markii la soo qabanayey,halka qaarkoodna ay sheegayaan iney ahaayeen Kalluumaysato.

 

 

 RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles