Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Siilaanyo: Caalamku wuu ina eegayaa Qabyaalad Dowladnimo ku gaari Mayno

$
0
0

siilaanyoHargeysa{RBC Radio}Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa sheegay in qabyaalad aan lagu gaari karin dowladnimo,Siilaanyo ayaa sheegay in caalamku uu eegayo habdhaqanka bulshada reer Soomaaliland qabyaalada lagu  dhaqmayane ay curyaaminayso aqoonsiga ay raadineyso Soomaaliland sida uu sheegay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa daboolka ka qaaday in indhaha caalamku ay kusoo fooraraan bulshada Soomaaliland hadii ay kusii socdaan qabyaalada iyo dhaqamada uu ku tilmaamay in cidii wax tabataba ay hab qabiil u marto raadinta waxa ka maqan in taasi ay dhaawac weyn ku tahay dadaalka ay ku doonayaan iney caalamka kaga dhaadhiciyaan in  loo aqoonsado dowlad ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kale.

“Waxaa nalaga rabaa inaan noqono dad ay ka muuqato iney dowladnimo doonayaan,maaha in qoladii ama gobolkii wax tabanaya uu qabyaalada u maro,waxaa wanaagsan in cidii wax tabanaysa si hoose loo dhammeeyo cabashadooda”ayuu yiri madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland ayaa ka digay tafaraaruq iyo kala qaybsanaan ku timaada shacabka Soomaaliland,wuxuuna xusay in hadii aan arimahaas laga gaashaaman aysan suurta gal ahayn in la gaaro himilaayinka la hiigsanayo sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna yiri isagoo arimahaas iftiiminaya”Hadii aan gacmaha isqabsano,Muruqeena,Maalkeena iyo Maskaxdeenane mideyno,waxbadan ayaan qaban karnaa,umadii sharcigeeda dhowrta,amaanadeeda ilaashata meel ayey gaaraan”.

Maamulka Soomaaliland oo ku dhawaaqay sanadkii 1991kii inuu ka go’ay dalka Soomaaliya ayaan muddo dheer kadib wali helin wax aqoonsi ah,waxayna masuuliyiinta maamulkaas ay mar waliba ku celceliyaan in gooni isutaaga Soomaaliland uu yahay mid aan gorgortan galeen oo muqaddas ah sida ay  sheegaan, dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda ku doodeysa  ineysan marnaba ogolaan doonin kala go’a Soomaaliya,wada hadalka u socda labada dhinac oo meel xasaasi ah maraya ayaan la ogeen waxa kasoo bixi doona walow ay qola walba go’aankeeda ku dhagan tahay.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles