Garoowe[RBC Radio]Xildhibaano katirsan baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa lugu wadaa in dhawaan deegaanada Puntland ay ka bilaaman kulamo xogwareysi ah.
Xubnahan xildhibaanada ah ayaa gaaraya illaa 7-xildhibaan oo dhamantood ah kuwa laga soo doorto Puntland.
Waxaa ay si gara ah isku arki doonan xildhibaanadan oo ay lakulmi doonan issimada Puntland iyagoona kala hadli doona sida ay sheegen xasilinta deegaanka iyo sidii lo horumarinkaro.
Waxaa sidoo kale la sheegey inay inta ay ku sugan yihiin Puntland ay is arkii doonan madaxda ugu saresa Puntland oo uu ka mid yahay madaxweyne Faroole,waxana la caddeyey inay isna kala hadli doonan xasilinta dalka.
Xildhibaanadan ka socda dowladda faderaalka Soomaaliya waxaa hogaaminaya xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf,waxana uu sheegey hadal uu sinayey warbaahinta inay qorsheenayan sidii ay wax uga ogan lahaayen xaalka Puntland.
…”"”Qorshaheena ugu weyn waxaa uu yahay inta an ku suganahay Puntland sidii an wax uga ogan lahaayen xaaladda ka jirta Puntland,waxana ka faa’ideysan doona fasaxa ay ku jiraan mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya…”"“ayuu yuri xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf waxaa uu hadalkiisa ku sheegey inay is arki doonan issimada Puntland oo ay kala hadli doonan sidii waddo wanagsan oo horumar iyo dibu noolen ah u horseedi karta Puntland ay ugu dhaqaaqi lahayeen.
…”"”Waxan la shiri doona issimada Puntland oo an kala hadli doono sidii ay ugu hogaamin lahayeen Puntland inay ku dhaqaaqdo horumar iyo dubu soo kaba sho baahiyaha ka jira dalka ee ay tabanayaan bulshada…”‘‘ayuu yiri xildhibaanku.
Kulamada ay xildhibaanadu yeelanayen ayaa la sheegey inay hakad galisey maalmihii munaasabadaha ciida,inkastoo hadda la xaqiijiyey in maalmaha nasoo aadan ay bilabmi doonan kulamadooda.
Sidoo kale waxaa ay xildhibaanada waxba kama jiraan ku tilmaamen inay wada xaajod ka dhex bilaamii doonan khilaafka ka dhex jira dowladda faderaalka Soomaaliya iyo Puntland,iyagoona sheegey inaysan safarkooda quseen arrintaan sida uu sheegey xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf.
…”"”Socdaalkena ma quseeyo inan wada hadal ka dhex bilowno dowladda faderaalka iyo Puntland oo arrimo isku diidan,balse danaha iyo aayaha Puntland ayan kala hadli doona ciidi an is aragno,wax ka baxsana ma wadno inan ka shirno…”"”ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf.
Xildhibaanadan ayaa dhawaan ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaaladda Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug,waxana uu socdal koda ku soo aadey iyadoo khilaf uu ka dhex tagan yahay dowladda dhexe iyo Puntland kaaso salka ku haya hanaanka maamul ee dowladda faderaalka taasina ay ku dhiliishey Puntland.
__________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo