Jowhar{RBC Radio}Maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolkaa iney maamulka gacan weyn ka siiyaan soo celinta nabadgalyada gobolkaas iyo sidii alshabaab looga saari lahaa degmooyinka gobolkaas oo ay intooda badan gacanta ku hayaan marka laga reebo degmooyinka Balcad iyo Jowhar.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha dhexe Inj.Cabdi Jiinow Calasow ayaa ku booriyey shacabka gobolkaas iney isbarbar taagaan maamulka uu hogaaminayo si ay ugu guuleystaan xaqiijinta amniga gobolkaas,Gudoomiyaha ayaa sheegay in maamulka uu damacsan yahay inuu hor mariyo wax soosaarka gobolkaas ee dhanka beeraha.
Gudoomiye Jiinow ayaa hoosta ka xariiqay in maamulkiisu uu ku hawlan yahay gaarsiinta deeqo dhanka abuurka Dalagga beeraha ah,wuxuuna xusay in Mashaariicdaas ay doonayaan iney ku hor mariyaan wax soo saarka beeraha gobolka Shabeelaha dhexe,wuxuuna shaaca ka qaaday in xeeldheerayaal dhanka cilmiga beeraha ah oo u dhashay dalka Turkiga ay dhawaan gaari doonaan xarunta gobolkaas ee Jowhar,isagoona tilmaamay in hadii aan amniga la sugin aysan suurta gal ahayn in la hirgaliyo Mashaariicdaasi.
Cabdi Jiinow ayaa ku ammaanay shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar iney yihiin dad nabadda jecel,wuxuuna ugu baaqay iney kaalin weyn ka qaataan sugida amniga gobolkaas,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday iney alshabaab ka sifayn doonaan guud ahaan gobolkaas.
Gobolka Shabeelaha dhexe oo kamid ah gobolada dalka ee uu Alle ku manaystay khayraadka aan lasoo koobin karin isla markaane uu maro wabiga Shabeelle ayaa waxaa beeraleyda ku dhaqan gobolkaas ay inta badan ka cawdaan ineysan haysan agabkii iyo Abuurkii ay ku hormarin lahaayeen wax soosaarkooda.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho