Hawraarsane Hambalyada Ciidda Hooya (Mahadnaq)
Ahmed A. Ali
ahmedqadhabo@gmail.com
Agoosto 10 13
Maqaalkaygii Yuusuf Garaadow Dowladda Ciyaarta Ka daa, een ula baxay Dawwo
(Danayste la wada yaqaan baan u diraye, Daa’imow allahayow isna ku dawoobaa)
http://www.raxanreeb.com/2013/08/yuusuf-garaadow-dawladda-ciyaarta-ka-daa-wq-ahmed-a-ali/
Wuxuu noqday dab dhagax lugu dhuftay oo marqudha Dunida wada gaadhay dacaladeeda. Dadweynaha Soomaaliyeed qurbojoog iyo qolqoljoogba way kuwada diirsadeen. Allaa ilehe Dillalka dulleysan iyo malaalkoo quhaa diidey iyagana dani igama hayso.
Dowladeena hooyo iyo kuwo kaleba waa laga dareemay. Dhagahooday markiiba ku duuleen in dulmi badan oo dadka lagaggalay daaha laga rogay. In danbiyo la is lahaa waa laga soo durkay la is kala soo daba yimid. Inay dastuur kuun tahay waxa la sugaaba inta laga daabacayo.
Waxaa hadaba iska soo daba dhacay sidii daadkii, Ducooyin fara badan, mahadnaq, bogaadin, dhiirigalin iyo dardaaran la ii soo mariyey E-mail kii aan ku soo daray maqaalka: Yuusuf Garaadow Dowladda Ciyaarta Ka Daa (Dawwo) kuwaasoo iiga kala yimid daafaha aduunka Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool oo laga xusi karo: Odayaal dhaqameed, Mas’uuliyiin, Sayaasiyeen, Culimaa’udiin, Ganacsato, Bahda Saxaafada, arday, ururada bulshada, Samafalayaal iyo Dhibbanayaalba.
Waata igu kaliftay in, maadaama aanan E-mailadaa faraha badan mid mid ugu jawaabi karaynin inaan wadar ahaan halkan idiinku wada mahad celiyyo kulligiin meel kasta oo aad aduunyada kajoogtaan, intiinii Mahadnaqqa & Bogaadinta ku saabsan Maqaalkan ii soo dirtay.
Arinta aad igu adkayseen iyo dardaarankiini ahaa (U dadaal oo haka daalin wixii danaha guud ah) hayyeh ayaan idin leeyahay idinkuna,
Hawraarsane Hambalyada Ciidda Hooya:
Taqabalallah minaa wa minkum saalix al acmaal.
Wa kullu caam wa antum axsan minal acwaam (23) al maadii kullahum.
Ciid Mubaarak.
Mahadsanidin;
Ahmed A. Ali
ahmedqadhabo@gmail.com
================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM