Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowladda federaalka Soomaaliya oo sheegtay in hawlihii garoonka Aadan Cadde ay caadi kusoo laabteen

$
0
0

c.shakuur caliMuqdisho(RBC Radio) Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in hawlihii garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaalia ay caadi kusoo laabteen kadib shil diyaaradeed oo maanta barqadii ka dhacay garoonka  diyaaradaha Aadan Cadde.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo gaadiidka xukuumadda federaalka  Soomaaliya C/shakuur Cali Mire oo shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay gudaha xarunta wasaarada Warfaafinta ayaa sheegay in dhammaan hawlihii caadiga ahaa ee garoonka  caalamiga  ee Aadan Cabdulle  ay sidoodii kusoo laabteen.

Wasiir ku xigeenka ayaa xusay in garoonka ay ka duuleen Labo Duulimaad oo mid ka mid ah ay tahay Diyaarada Turkisha Airways,wuxuuna carrabka ku dhuftay in xaaladii deg degga ahayd ee garoonka uu galay  kadib shilka diyaaradeed ay hada dhammaatay,balse wuxuu dhanka kale sheegay iney socdaan baaritaano ay wadaan gudi ay dowladu u soortay iney dabagal ku sameeyaan waxa sababay burburka diyaarada laga lahaa dalka Ethiopia oo dhalisay dhimashada 4 ruux.

Hawlaha garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ayaa istaagay kadib markii ay kusoo dul dhacday diyaarad laga lahaa dalka Ethiopia,wali ma cadda waxa sababay burburka diyaaradan,waxaana socda baaritaano lagu ogaanayo waxa keenay iney diyaaradu dhacdo.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles